Friday, November 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Kenya oo Sheegay in Ciidankiisu ay sii Joogi doonaan Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Kenya oo Sheegay in Ciidankiisu ay sii Joogi doonaan Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidankiisu ay baaqi kusii ahaan doonaan Soomaaliya, kadib warar maalmahaan soo baxayay oo sheegayay in Kenya ay isaga baxeyso Soomaaliya,

waxaanu sheegay madaxweyne Kenyatta in Dowladdiisu ay ka go’an tahay la dagaalanka Kooxaha argagixisada ah ee Al shabaab, isagoo xaqiijiyay in ay ka sii mid ahaan doona hawlgalka midowga Africa ee Amissom ee Soomaaliya si wadajir loogu ciribtiro argagixisada nabadda u diidan Soomaaliya iyo gobolka oo dhan.

Related posts

Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya oo la spo gabagabeeyay

Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya oo la spo gabagabeeyay

November 13, 2025
Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda  Muqdisho

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Muqdisho

November 13, 2025

khudbad si toos ah ay shacabka Kenya uga daawanayeen TV-ga isla markaana uu madaxweyne Kenyatta ka jeediyey munaasabad lagu xusayey askar tii Kenya ee dhawaan kaga geeriyootay Soomaaliya ayuu ku sheegay hadalkaasi.

“Ma ahan waqtii aan dhageysan laheyn codadka guuldarada, dagaal ayaanu qaadnay sababtoo  ah danaheena ayaa ku jira, sababtoo ah waxaan rabnaa inaan soo celino nabadda Soomaaliya, waxaan kale oo aan dooneynaa inaan iska difaacno cadawga raba inuu na bur buriyo,” ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.

Mucaaradka ugu weyn Kenya ayaa ka dalbaday dowlada in ay ciidankeeda  jooga Soomaaliya dib uga soo celiso, hase ahaatee hadalka madaxweynaha dalka Kenya ayaa meesha ka saaraya dalabaadka Kooxaha mucaaraddka ee dalkaas ay ku doonayaan in Kenya Ciidankeeda kala soo baxdo Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Al Shabab ayaa weerar ku qaatay  15-ki bishaan xero ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel cadde ee gobolka Gedo halkaas oo ay ku dhinteen askar ka tirsan Ciidanka Kenya kadib Baabuur qaraxya ah oo lagu weeraray xeradaas.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha dalka Oo Ka Qeybgalay Isu Imaatin Loogu Barooqdiiqayay ciidamada Kenya Ee Ku Dhintay Ceel Cadde “Sawirro”

Next Post

Madaxweynaha: ‘’Waa hubaal inaan Al Shabaab ka adkaaneyno, waxaana mar kale xaqiijinayaa in Kenya iyo Soomaaliya ay si wadajir ah ula dagaalamayaan argagixisada”Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha: ‘’Waa hubaal inaan Al Shabaab ka adkaaneyno, waxaana mar kale xaqiijinayaa in Kenya iyo Soomaaliya ay si wadajir ah ula dagaalamayaan argagixisada”Sawirro”

Madaxweynaha: ‘’Waa hubaal inaan Al Shabaab ka adkaaneyno, waxaana mar kale xaqiijinayaa in Kenya iyo Soomaaliya ay si wadajir ah ula dagaalamayaan argagixisada"Sawirro"

Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya oo la spo gabagabeeyay

Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya oo la spo gabagabeeyay

November 13, 2025
0

Waxaa si rasmi ah magaalada Jowhar loogu soo gabagabeeyay Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya (CHF), kaas oo...

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda  Muqdisho

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Muqdisho

November 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Magaalada...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025
0

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In