Boqolaal kamid ah dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho, ayaa maanta isugu soo baxay fagaare ku yaala xeebta Liido, halkaas oo dhowaan maleeshiyaad ka tirsan kooxda alshabab ay ku xasuuqeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.
U jeedada isu soo baxan ayaa lagu sheegay in ay tahay in loo duceeyo dadkii dhowaan halkaasi lagu laayay, iyadoo dadweynaha ka qeybgalay dibad baxa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin sida ay ugu xun yihiin dhibaatada ay wadaan kooxda nabad diidka ah ee Alshabab.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo masโuuliyiin uu kamid yahay gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dadweynaha kala qeybgalay dibad baxan maanta.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in xilligan la joogo gabagabedii kooxda Alshabab maadaama shacabka Soomaaliyeed ay ka so horjeesteen ficiladooda guracan.
Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo kamid ah mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya isla markaana kamid ahaa masโuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa shacabka ugu baaqay in ay isku dhuubnaadaan si looga adkaado kooxdan dhiig cabka ah.
Al-shabaab ayaa dhowaan weerar ku qaatay xeebta Liido xilli halkaasi ay ku sugnaayeen dad badan oo shacabka, waxayna laayeen dadkii goobtaasi ku sugnaa.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐ข๐ข๐ฌ๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐ญ๐๐ซ
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...



























