Shirkan oo madaxda ka qeybgalaya uu ka mid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa si rasmi ah u furtay Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika Nkosazana Dlamini Zuma.
Khudbad ay halkaasi ka jeedisay ayaa Madaxa Guddiga Sare ee Afrika Zuma, waxay sheegtay in dhammaan dalalka ku jira Midowga Afrika laga doonayo dardargelinta Hiigsiga 2063 ee horumarka qaaradda.
Waxay xustey in Afrika ay dadaal weyn ugu jirto soo afjarista colaadaha weli ka jira Qaaradda, si horumar la taaban karo loo gaaro, caalamka intiisa kalena lala tartamo.
Mrs Zuma ayaa xusuusisey madaxda Afrika iyo dhammaan bulshoweynta Afrika inay xaqiijiyaan in qaaradda laga ciribtiro dhamman colaadaha marka la gaaro sannadka 2020-ka.
Waxay dhanka kale khudbadeeda bogaadin ugu jeedisay ciidammada nabad ilaalinta qaaradda Afrika ee mar walba taagan furumaha dagaalka, kuwaas oo dadaal ugu jira inay Afrika ka suuliyaan xabadda dhacaysa, una beddelaan goob nabadeed oo xasiloon, iyagoo weliba naftooda u huraya.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo isna munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa soo dhoweeyay dadaalka qaaradda Afrika e dhanka horumarinta dimoqraadiyadda iyo nabadeynta ee Afrika ka socda.
Waxaa uu si gaar ah u xusey colaadaha ka aloosan Burundi iyo Koonfuurta Suudaan oo uu sheegay inuu taageerayo dadaalka Midowga Afrika ee ku aaddan xal u helista colaaddaasi.
Dhanka Soomaaliya waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay Dadaalka AMISOM ee xasilinta dalka iyo taageerada doorashooyin si nabdoon uga dhaca dalka. Waxuuna dhaka kale so dhoweeyay horumarka dhanka siyaasadda ee Soomaaliya ka socda, gaar ahaan heshiiskii dhowaan ee Hanaanka doorashada 2016.
Dhinaca kale Ka hor intaanu furmin shir madaxeedka Midowga Afrika, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu guddoomiyay shir madaxeed gaar ah oo madaxda Bariga Afrika ee xubnaha ka ah Taliska Ciidammada Degdegga ee gobolka.
Kulankaasi oo looga hadlayey xasaradda Burundi ayaa Madaxweynaha hadal uu ka jeediyay waxaa uu ugu baaqey shacabka iyo dowladda Burundi in ay xal u helaan colaadda dalkooda ka taagan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in waddamada xubnaha ka ah Taliska Ciidammada Degdegg ah Oo Bariga Afrika ka Socda u xil ka saaran yahay inay Burundi ka taageeraan sidii nabad loogu soo afjari lahaa xasarrad dalkooda ka aloosan.
Waxaa sidoo kale maanta qabsoomey shirkii 55-aad ee aan caadiga ahayn wasiiradda arrimaha dibedda ee IGAD, kaas oo ay kaga hadleen arrimaha Soomaaliya iyo Suudaan, iyagoo soo dhoweeyay horumarka dhanka siyaasadda ee somalia ay ku talaabsatey dhowaan.
Guud ahaan Shir Madaxeedka Midowga Afrika waxaa si weyn u hareeyay xasaradaha ka aloosan Burundi iyo Koonfuurta Suudaan.
Dowladda Burundi ayaa gebi ahaanba diiddan in ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo dalkeeda.
Halka dhanka Koonfuurta Suudan weil la dhowrayo in la soo dhiso dowlad KMG oo ay ku wada jiraan dhinacyada dalkaasi isku haysta.