Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Daawo Sawirada:Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka, Xulashada
0
Daawo Sawirada:Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Addis Ababa, 30 January 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 26-aad Midowga Afrika oo maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Shirka waxaa si rasmi ah u furtey Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini Zuma, oo khudbad ay jeedisay ku sheegtay in qaaradda Afrika ay tahay goob dadyow kala duwan ku nool yihiin, kuwaas oo hadafkoodu yahay inay ku noolaadaan nabad is xaqdhowr iyo horumar.

Related posts

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026

Waxay sidoo kale xustey in si nabad iyo xasilooni loogu soo dabaalo qaaradda ay askar badan oo Afrika u dhashey naftooda u huraan sidii ay colaadaha jira u demin lahaayeen.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon , oo isna kulanka khudbad ka jeediyay ayaa soo dhoweeyay doorka ciidammada AMISOM ee nabad ka aslaaxinta Soomaaliya iyo sid a ay waddanka uga taageerayaan sidii doorashooyin dimoqraadi ah oo nabadeed uga dhici lahaayeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Zimbabwe, Robert Gabriel Mugabe, ayaa isna xilkii guddoomiyenimada Midowga Afrika ee sannadkan ku wareejiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadd a Chad,Idriss Déby Itno.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isla maanta Shir Madaxeedka Midowga Afrika ka hor, waxaa uu guddoomiyay Shir Madaxeed gaar ah oo ay isugu yimaadeen waddamada xubnaha ka ah Taliska Ciidammada Deg-degga u hawlgala ee Bariga Afrika, kaas oo looga hadlayey colaadda dalka Burundi.

Madaxweynaha hadal uu ka jeediyay waxaa uu ugu baaqey shacabka iyo dowladda Burundi inay xal u helaan colaadda dalkooda ka taagan.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulamo miradhal ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee Afrika , Linda Thomas-Greenfield iyo u qeybsanaha arrimaha caalamiga ee Ra;iisul Wasaaraha Japan, Mr Kawai Katsuyuki.

Dowladda Japan ayaa kulankaasi ay la yeesheen Madaxweynaha kaga dhawaaqdey kaalmo dhaqaale oo gaareysa 37 milyan oo dollarka Mareykanka ah oo loo adeegsan doono adeegyada aasaasiga, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxaa kale oo ay Japan dooneysaa inay xiriir dhow oo iskaashi iyo maalgashiba isugu jira la yeelato Soomaaliya.

———————DHAMMAAD———————————

1 2 3 4 5 6 7 8 9

Previous Post

M.weyne Xasan Oo Shir Gudomiyay Kulan Gar ah Oo Looga Hadlayay Xasaradaha Dalalka Bariga Afrika+Sawiro

Next Post

Madaxwaynaha Galmudug oo sheegay inay soo dhaweynayaan go’aanka shirkii Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Madaxwaynaha Galmudug oo sheegay inay soo dhaweynayaan go’aanka shirkii Muqdisho “SAWIRRO”

Madaxwaynaha Galmudug oo sheegay inay soo dhaweynayaan go'aanka shirkii Muqdisho "SAWIRRO"

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan, kaas oo qayb ka...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay  Cashadii Sannadlaha ahayd ee Afurka, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Cumar, ayaa kulan la qaatay Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In