Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixdey heshiis iskaashi+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixdey heshiis iskaashi+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Addis Ababa, 1 February 2016: Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya, ayaa (31-01-2016)xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdey heshiis iskaashi oo labada dal ay dhinacyo badan uga wada shaqeyn doonaan.

Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga labada dal (Joint Commission of Cooperation (JCC) ayaa kaalin weyn ka qaadan doona xoojinta iskaashiga labada waddan.

Related posts

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Dr Cabdisalaam Hadliye Cumar oo heshiiskan u saxiixay dhanka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax badan ka kororsan doonto heshiiskan.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskan oo markii ugu horeysey ay labada dal kala saxiixdeen sannadkii 2005, uu yahay mid shantii sannaba dib u eegis lagu sameeyo, si loo darso baahiyada muhiimka ah ee jira iyo wixii qabsoomay.

Dhanka dalke Kenya, waxaa heshiiskan u saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibedda Amina Mohamed Jibril, oo iyana sheegtay in labada dal ay isu baahan yihiin, wax badanna ay iska kaashan karaan.

Sida uu dhigayo heshiiska Guddiga Wadajirka ee Iskaashiga labada dal ayaa saxiixa wasiirrada kadib, ansixinta heshiiskan si uu dhaqan gal u noqdo, waxaa iska leh madaxweynayaasha labada dal. Waxaana mustaqbalka dhow la filayaa in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ay qalinka ku duugaan heshiiskan.

unnamed (1) unnamed

Previous Post

Qaramada Midoobay oo ka dalbatay Masar iney sii deyso wiil Soomaali ah

Next Post

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Suudaan gaaray ”SAWIRRO”

Next Post

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Suudaan gaaray ''SAWIRRO''

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

October 15, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In