Wasiirka Duulusta iyo Gaadiidka Hawada Xuumadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jingeli oo Shir Jaraaid ku Qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay Diyaarad Rakaab ah oo ay Leedaha Shirkadda Daalo Airlen oo ka duushay Garonka Aadan Cadde ay soo wajahaday Cilad taas oo ku qasabtay Kabtan Diyaaradda Waday in uu Si Dag Dag ah u soo dajiyay waxyar kadib markii ay hawada ku jirtay.
“Hadda waxa la sheegay waa Hordhac Baaris ayaa Socota marka ay dhamaatana dag dag ayaan bulshada soomaaliyeed ula wadaagi doonaa”Sidaasina waxaa Saxaafadda ku yiri Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka Hawada Mudane Cali Axmed Jaamac Jengali
Maareyaha Heyadda Duulista Iyo Saadaasha Hawada Oo Isna Ka Hadlay Shilkaasi ayaa sheegay in hadda arinta ay gacanta ku hayaan Ciidamada Amaanka Barrisna ay Socoto haddana aan laga hordhici karin.
“81 Rakaab ah ayaa la socday Diyaaradda markii ay 10,000Fit (Toban Kun oo Fiit) ayaa Kabtanka Diyaaradda nala soo xiriiray naguna wargaliyay in cillad Degdeg ah jiro kadibna garoonka ayuu ku soo laabtay,waxaan aragnay dhaawac soo gaaray Diyaaradda dhamaan rakaabkii waan dajinay Qof kamid ah ayaa la waayay hadana Qofkaas la waayay oo meydkiisa dib laga helay ayaa baaris ku socotaa wana soo gudbin doonaa inasha allaah”Sidaasi waxaa Yir C.waaxid Sh Cumar Mareeyaha Heyadda Duulista Iyo Saadasha Hawada.
Taliyaha Nabadsugidda Qaranka Gen C.raxmaan Tuuryare iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Maxamed Sh Ayaa ku sugnaa garoonka Diyaaradaha iyadoo ay socoto Baaris ku aaddan sidii loo Ogaan lahaa Sababta Shikaasi Dhalisay.