Sunday, May 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barlamaanka oo meel mariyay sharciga qoxootiga iyo barakacayaasha qaranka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Baarlamanka oo ansixiyay qaraarka dib u eegista kharashaadka dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka maanta xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada muqdisho oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa ugu dambayn lagu meel mariyay sharciga qoxootiga  iyo barakacayaasha qaranka kaas oo horay ay u soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Kulanka oo maanta ay soo xaadireen 156 mudane oo barlamaanka ka tirsan ayaa waxaa sharcigaan ogolaaday 155 mudane, waxaa ka aamusay 1 mudane, mana jirin cid kale oo ka soo hor jeeday, waxana sidaasi ku dhawaaqay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka mudane Jeylaani nuur Iikar.

Related posts

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026

Shircigaan qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka ee ay maanta meel mariyeen xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya ayaa waxaa uu soo maray marxaalado kala duwan, iyadoo bishii December ee sanadkii 2013 kii loo soo gudbiyay xubnaha barlamanka, waxaana la marsiiyay akhrinta Koowaad, labaad iyo sadaxaad, ugu dambeynta maanta ayeey meel mariyeen xubnaha barlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale xildhibaanada barlamaanka ayaa isla maanta guda galay sharciga maareynta kaalmaha shidaalka dalka kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim Wasiirka Macdanta iyo Batrool oo mudanayaasha Barlamanka Soomaaliya ka hor hadlay ayaa sheegay in sharcigaan uu muhiimadd weyn u leeyahay maareynta Kaalmaha Shidaalka dalka iyo sidii sharciga loo waafajin lahaa.

Previous Post

Cadaado Oo Loo Magacaabay Magaalada Ganacsiga Gal-Mudug

Next Post

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug oo Xalay lagu Qabtay Magaalada Nairobi”Sawirro”

Next Post
Munaasabad lagu soo dhaweynayay Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug oo Xalay lagu Qabtay Magaalada Nairobi”Sawirro”

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug oo Xalay lagu Qabtay Magaalada Nairobi"Sawirro"

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In