Friday, February 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqaalaha Xafiiska R/Wasaaraha oo Sagootiyay Xildhibaan Cabdicasiis Cabdilaahi Yuusuf (Dhago-qool)+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Shaqaalaha Xafiiska R/Wasaaraha oo Sagootiyay Xildhibaan Cabdicasiis Cabdilaahi Yuusuf (Dhago-qool)+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha DFS Mudane Caadil Sheegaw Sagaar ayaa maanta ka qayb-galay Munaasibad lagu sagootinayay Xildhibaan Cabdicasiis Cabdulaahi Yuusuf (Dhago-qool) oo hore u ahaa Agaasimaha Siyaasadda ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Xafladaan oo ay soo qaban qaabisay Waaxda Shaqaalaha XRW oo ey ka soo qeyb galeyn Mas’uuliyiin iyo Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha XRW Mudane Maxamed Jaamac Yuusuf oo ka waramay shirka ujeedkiisa in uu yahay sagoodinta Xildhibaan Cabdicasiis waxa uuna ku sifeeyay in uu ahaa Xildhibaan C/casiis mudadii uu xilka Agaasimaha hayay waxunu si gaar ah ugu tilmaamay in uu ahaa Agaasime naxariis iyo dulqaad badan u lahaa shaqaalihiisa iyo dadka kale oo ey wada shaqeynayeen.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026

Maxamed Yuusuf Aadam Ku-Xigeenka Xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee dhinaca Maamulka ayaa u hambalyeey Xildhibaan C/casiis C/laahi kulana dardaarmay in xilka cusub ee loo igmaday masuuliyad iska saaro, shaqaalahana wuxuu ku booriyay inay shaqada xafiiska oo ah muraayada dalka masuuliyaad gaara iska saaraan.

Xildhibaan Cabdicasiis C/laahi Yuusuf oo 25-January 2016 loo dhaariyay jagada Xildhibaanimada ayaa uga mahad celiyay xaflada sagootinta ah ee u sameeyeen agaasimayaasha iyo shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo uu hore uga tirsanaa.

Gabagabdii kulankan oo ay shaqaale badani u mahadceliyeen agaasimahoodii hore ayaa waxaa soo xiray Wasiiru-Dawlaha Xiriirka Baarlaamaanka ee XRW Mudane Caadil Sheegaw Sagaar oo ka waramay shuruucda shaqaalaha gaarka u ah iyo sida ay mihiimka u yihiin in lagu dabaqo Shaqada iyo masuuliyada ay qaranka u hayaan, waxaanu xildhibaanka ugu duceeyay in ILAAHAY xilka ku asturo.

1 2 unnamed

Previous Post

Doorashada Xubanaha Golaha Deegaanka Dagmada Galkacyo oo Lasoo Gaba Gabeeyaya “ Sawiro”

Next Post

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sii jeeda Hobyo

Next Post
Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sii jeeda Hobyo

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sii jeeda Hobyo

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
0

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maalinimadii shalay cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland,iyagoo ku dhawaaqay in tallaabadaasi ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika”,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In