Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Shilkii Diyaaradda Daallo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Shilkii Diyaaradda Daallo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxaana kulankan looga hadlay qodobo kala duwan oo kamid tahay shilkii Diyaaradii Daallo ee ka duushay Muqdisho kuna siijeeday Jabuuti iyo Ammaanka guud ee dalka.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn, warbixinta amniga ka dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo tilmaamtay in dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyey ay daganayd xaaladda guud ee dalka marka laga reebo falal kooban oo kooxaha nabadda diidan ay ka sameeyeen qaar kamid ah gobollada dalka iyo Caasimadda, isagoo xusay in Ciidamadda Ammaanka ay wadaan baaritaano looga hortagayo cid walba oo dhibaato ku ah amniga dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumada Soomaaliya cali jaamac Jangeli, ayaa golaha siiyey warbixin horudhac ah oo ka soo baxday shilkii Diyaaradda Daallo. Wasiirka ayaa sheegay in baaritaan horudhac dhac ah oo la sameyey uu muujinayo tuhumo cadeyn dheeraad ah u baahan oo aan looga maarmayn in lala kaashado khubaro caalami si loo xaqiijiyo wixii sababay shilkaasi diyaaradeed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa tilmaamay in sida ugu deg-degsan looga sal-gaari doono natiijada baaritaankan, isagoo balanqaaday in dawladdu adkeyn doonto amniga Garoonka si looga hortago khatar walba oo imaan karta. Wuxuna xusay baaritaan la sameeyey ka dib in Muwaadinka lagu magacaabo C/laahi Cabdisalam Boorle oo ku dhintay shilkaas diyaaradeed, isla markaana ay ku dhaawacmeen labo muwaadin oo kale.

Previous Post

Wasiir Dhuubow “Wasaaraddu uma dulqaadan doonto in la hor istaago horumarinta Isboortiga” SAWIRRO

Next Post

Wasaaradda Gaashaandhigga oo gaadiid iyo qalab xafiiseed kala wareegtay dawladda Masar+Sawirro

Next Post
Wasaaradda Gaashaandhigga oo gaadiid iyo qalab xafiiseed kala wareegtay dawladda Masar+Sawirro

Wasaaradda Gaashaandhigga oo gaadiid iyo qalab xafiiseed kala wareegtay dawladda Masar+Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In