Friday, August 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir Looga Hadlayay Maamulka Hawada Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Shir Looga Hadlayay Maamulka Hawada Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan lagu soo gaba gabeeyay magalada Nairobi ayaa waxaa looga hadlayay ariimaha hawada Soomaaliya iyo sidii maamulka hadawa soomaaliya oo mudo dhowr iyo 20 sano ah laga hagayay dalkani kenya loogu wareejin lahaa gacanta dowlada Somaaliya,isla markaana dib Soomaaliya loogu celin lahaa shaqaalaha Soomaaliyeed ee mudadaasi ka howl galayay xarunta oo aan helin xaquuqdii ay lahaayeen.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiinta hay’adda maamusha hawada soomaaliya ee ICOA,wasiir ku xigeenka wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Xirsi Aadan Rooble ,Safiirka dowlada Soomaaliya ee dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo gudiga baarlamaanka u qaabilsan gaadiidka iyo duulista hawada.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

Safiirka Soomaaliya ee dalkani kenya mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa markii uu soo gaba gaboobay shirka waxa uu ka warbixiyay waxyaabihii ay kala hadleen mas’uuliyiinta hay’adda gacanta ku heysa maamulka Hawada Soomaaliya ee ICOA.

Danjiraha ayaa markii uu dhamaaday Shirka warbaahinta u sheegay in Soomaalida halkan joogta ay yihiin dad sharci daro lagu keenay oo labaatankii sano ee ugu dambeeyay ka shaqeynayay Kenya,iyagoo sharci iyo wax xaquuq ah lahayn,lacag fiican la siin nolol fiicana aysan qaadan oo ay u sii dheertahay hawadii Soomaaliya inay gacanta ku heyso hay’adda ICOA Taasoo meel ka dhac ku ah dowladnimada Soomaaliya.

“Waan la shirnay madaxdii hay’adaas wana u sheegnay inay sharci darro tahay in Soomaalida wadankooda laga keeno,hawadii soomaaliyana 2016 anagoo ku jirna wadan kale laga maamulo,waxayna noo sheegeen in wax hor taagan aysan jirin in maamulka hawada soomaaliya lagu dib loogu celiyo gacanta dowlada Soomaaliya,dibna shaqaalaha Soomaalida loogu celiyo dalkooda”Ayuu yiri safiirka.

Dowlada soomaaliya ayaa Dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxa ay dadaal dheer ugu jirtay sidii dib gacanta dowlada loogu soo celin lahaa maamulka hawada Soomaaliya oo mudo dhowr iyo 20 sano laga maamulayay dalkani kenya.

IMG_4344 IMG_4345 IMG_4347 IMG_4352 IMG_4353 IMG_4354

Sawir qaade:- Hassan Omar Baffo

Previous Post

Dowlada Soomaaliya iyo WHO oo Nairobi Ku Kala Saxiixday Heshiis Lagu Horumarinayo Caafimaadka Dalka”Sawirro”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In