Tuesday, November 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir Looga Hadlayay Maamulka Hawada Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Shir Looga Hadlayay Maamulka Hawada Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan lagu soo gaba gabeeyay magalada Nairobi ayaa waxaa looga hadlayay ariimaha hawada Soomaaliya iyo sidii maamulka hadawa soomaaliya oo mudo dhowr iyo 20 sano ah laga hagayay dalkani kenya loogu wareejin lahaa gacanta dowlada Somaaliya,isla markaana dib Soomaaliya loogu celin lahaa shaqaalaha Soomaaliyeed ee mudadaasi ka howl galayay xarunta oo aan helin xaquuqdii ay lahaayeen.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiinta hay’adda maamusha hawada soomaaliya ee ICOA,wasiir ku xigeenka wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Xirsi Aadan Rooble ,Safiirka dowlada Soomaaliya ee dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo gudiga baarlamaanka u qaabilsan gaadiidka iyo duulista hawada.

Related posts

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025

Safiirka Soomaaliya ee dalkani kenya mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa markii uu soo gaba gaboobay shirka waxa uu ka warbixiyay waxyaabihii ay kala hadleen mas’uuliyiinta hay’adda gacanta ku heysa maamulka Hawada Soomaaliya ee ICOA.

Danjiraha ayaa markii uu dhamaaday Shirka warbaahinta u sheegay in Soomaalida halkan joogta ay yihiin dad sharci daro lagu keenay oo labaatankii sano ee ugu dambeeyay ka shaqeynayay Kenya,iyagoo sharci iyo wax xaquuq ah lahayn,lacag fiican la siin nolol fiicana aysan qaadan oo ay u sii dheertahay hawadii Soomaaliya inay gacanta ku heyso hay’adda ICOA Taasoo meel ka dhac ku ah dowladnimada Soomaaliya.

“Waan la shirnay madaxdii hay’adaas wana u sheegnay inay sharci darro tahay in Soomaalida wadankooda laga keeno,hawadii soomaaliyana 2016 anagoo ku jirna wadan kale laga maamulo,waxayna noo sheegeen in wax hor taagan aysan jirin in maamulka hawada soomaaliya lagu dib loogu celiyo gacanta dowlada Soomaaliya,dibna shaqaalaha Soomaalida loogu celiyo dalkooda”Ayuu yiri safiirka.

Dowlada soomaaliya ayaa Dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxa ay dadaal dheer ugu jirtay sidii dib gacanta dowlada loogu soo celin lahaa maamulka hawada Soomaaliya oo mudo dhowr iyo 20 sano laga maamulayay dalkani kenya.

IMG_4344 IMG_4345 IMG_4347 IMG_4352 IMG_4353 IMG_4354

Sawir qaade:- Hassan Omar Baffo

Previous Post

Dowlada Soomaaliya iyo WHO oo Nairobi Ku Kala Saxiixday Heshiis Lagu Horumarinayo Caafimaadka Dalka”Sawirro”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Suleymaan,...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha...

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

November 3, 2025
0

Wasiirrada Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad uu Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Howlaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In