Wednesday, July 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowlada Soomaaliya iyo WHO oo Nairobi Ku Kala Saxiixday Heshiis Lagu Horumarinayo Caafimaadka Dalka”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 11, 2016
in Wararka
0
Dowlada Soomaaliya iyo WHO oo Nairobi Ku Kala Saxiixday Heshiis Lagu Horumarinayo Caafimaadka Dalka”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkani oo  mudo sadax maalmood ah ka socday magalada nairobi,islamarkana ay sida u jir ah u soo wada qaban qaabiyay hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO iyo wasaarada Caafimaadka ee xukuumada Soomaaliya ayaa waxa ay ku kala saxiixdeen heshiis labo sano ah oo lagu horumarinayo Caafimaadka Dalka soomaaliya.

Heshiiskan ay kala saxiixdeen Mas’uuliyiinta WHO iyo Wasiirka caafimaadka ee Xukuumada soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed  ayaa waxaa goob joog ka ahaa ,agaasimaha guud ee wasaarada cafimadka Dr.Cabdiqani Shiikh Cumar iyo Xubno Matalayay Caafimaadka Maamulada ka jira gobalada dalka.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Madaxa WHO ee Soomaaliya Dr.Ghulam Popal Rabani oo heshiiskan saxiixay ayaa waxa uu ka warbixiyay heshiiskan labada sano ah ee lagu horumarinayo Caafimaadka Soomaaliya.

“Waxaan halkan ku kala saxiixanay qorshe heshiis labo sano ah oo ay wada galayaan WHO iyo Wasaarada caafimaadka dowlada Soomaaliya,Aad baan ugu faraxsanahay in WHO oo mudo dheer caawinaysay dowlada soomaaliya ay maanta kala saxiixdo heshiiskan labada sano ah oo lagu horumarinayo laguna taageerayo caafimaadka dalka soomaaliya”Ayuu yiri Dr Ghulam.

Heshiiskan labada sano ah ayaa ah mid lagu hormarinayo guud ahaan caafimaadka dalka gaar ahaan ka hortagga cudurada leys qaadsiiyo sida AIDS-ka.

Wasiika caafimadka ee xukuumada Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed oo iyaduna ka warbixisay heshiiskan ayaa waxa ay sheegtay inheshiiskani uu wax badan ka badali doono caafimaadka Dalkeena.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta aan heshiis labo sano ah la saxiixanay hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO,barnaamijka waa mid mudo badan laga soo shaqeynayay oo ka hadlaya qorshe howleedka 2016-2017,markii wada hadal lala yeeshay dowlad gobaleedada dadka caafimaadka ka shaqeeya,dhaqaatiirta dowlada dhexe iyo qof walba oo howl ku lahaa adeegyada Caafimaadka ayaa waxan aruurinay Xog ku aadan baahida dhanka caafimaadka oo ay qabaan ummadda Soomaaliyeed”Ayey tiri Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed.

“Waxan muhimad gaar ah siinay waa 5-qodob oo uu ka mid yahiin  Cudurada la iska qaado sida Jadeecada iyo Dabeysha,waliba waxan aad xooga loo saarayaa talaalada ilmaha marka ay yaryihiin”Ayey tiri wasiirka Caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed ayaa sidoo kale sheegtay in muhiimad gaar ah la siin doono cudurada aan kala qaadin cudurka sida cudruka xanuunka maskaxda.

Heshiiskan lagu horumarinayo Caafimaadka Soomaaliya oo ay iska kaashanayaan WHO iyo wasaarada Caafimaadka ayaa waxaa la filayaa inay si weyn uga faa’ideysan doonaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan Dalka.

IMG_4368 IMG_4374 IMG_4387 IMG_4388 IMG_4391 IMG_4392

Sawir qaade:- Hassan Omar Baffo

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Next Post

Shir Looga Hadlayay Maamulka Hawada Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay”Sawirro”

Next Post
Shir Looga Hadlayay Maamulka Hawada Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay”Sawirro”

Shir Looga Hadlayay Maamulka Hawada Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay"Sawirro"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In