Sunday, July 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubaland oo ka qeyb galay Dabaaldaga Dhaqanka iyo Farshaxanka ee Kismayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubaland oo ka qeyb galay Dabaaldaga Dhaqanka iyo Farshaxanka ee Kismayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Cabdullahi Sheikh Ismaaciil “Fartaag” ayaa manta ka qeybgalay dabaal-daga dhaqanka iyo farshaxanka ee Kismaayo. Dabaal-dagan ayaa si rasmi ah uga furmay 7da bisha Feebaraayo.  Ololahan ku wajahan dib-u soo noolaynta dhaqanka iyo farshaxanka ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiid ee Jubaland iyo Xafiiska Duqa Magaalada Kismaayo. Wasiirka Wasaarada mudane Cabdinur Cali Aadan ayaa si rasmi ah u furay maalintii ugu horeysay bandhig faneed iyo cayaaro isboorti oo lagu soo bandhigay xarunta cayaaraha ee xaafadda Calanley, Degmada Kismayo. Waxaana uu wasiirku halkaas kula` hadlay ka soo qeyb galayaal badan oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee degmada Kismaayo.

Xafladan balaaran ee manta ka dhacday xarunta shirarka ee Daawad ayaa waxaa iyana ka soo qeyb galay in ka badan 700 oo qof iyo madax kale oo ay ka mid yihiin wasiirka Arrimaha Bulshada, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Afhayeenka Jubaland, MAdaxa Haweenka Jubooyinka iyo madax kale oo badan. Waxayna dhamaan si rasmi ah uga qeyb qaateen damaashaadkii todobaadka soo noolaynta dhaqanka.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

July 4, 2026
Maxkamadda CQS  oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

Maxkamadda CQS oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

July 4, 2026

Madaxda Jubaland oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka ayaa u daawasho tagay bandhiga hidaha iyo dhaqanka oo ay xaafadaha magaalada Kismaayo. Bandhigan ayay xaafadahu ku tartameen soo bandhiga qalabka iyo dharka hidaha Soomaaliyeed. Waxaana la siiyay fursad ay ku tartamaan soo bandhiga dhaqankooda. Madaxda yaa si farxad leh uga qeyb qaatay xuskan baaxada weyn eek a dhacay magaalada Kismaayo.

Todobaadka Hidaha, Dhaqanka & Farshaxanka ee Kismaayo waxuu si rasmi ah u bilowday 7da Feebaraayo waxaana uu soconayaa illa laga gaaro -11ka  feebaraayo. Waxuuna ka dhici doonaa dhowr xarumood oo ay ay kamid yihiin Xaruunta shirarka ee hooyooyinka iyo Xarunta SHirarka ee Daawaad eek a soo horjeeda dhismihii hore ee Caymiska. “Ha u-daymo la’aan, hal-abuurka Kismaayo”.

 

20160210_152633 20160210_171815 Center VP Second Left Minister of Social Affairs From Left Minister of Information and Chairwomen of the Jubaland Women Kabebey Dance performers and Side left of the hall Sharing the traditional tools - lady

Previous Post

Wasaaradda Warfaafinta oo ka hadashay hogaanka NUSOJ

Next Post

Taliyaha ciidanka xooga “Waan wada xisaabtamaynaa runta markaan idin sheego”

Next Post
Taliyaha ciidanka XDS oo kormeeyay hoggaannada ciidanka “Sawirro”

Taliyaha ciidanka xooga “Waan wada xisaabtamaynaa runta markaan idin sheego”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

July 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay gabadha soomaaliyed ee Naadiya Maxamed oo ah...

Maxkamadda CQS  oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

Maxkamadda CQS oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

July 4, 2026
0

Afartaan Eedeysane, ayaa lagu Eedeyey Kamid Noqoshada Khawaarijta oo ay qaabilsanaayeen Fulinta Qaraxyada, Dilalka Gaadmada ah, Basaasid, Tashkiilin iyo Kala...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka NISA oo Howlgal Qorsheysan ku dilay 8 dhagarqabe

July 4, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada xafladda Caleema-saarka

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada xafladda Caleema-saarka

July 4, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In