Kulankani maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho oo looga hadlayay xoojinta xiriirka Wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta Soomaaliyana ay qeyb ka tahay ayaa waxaa ka qeyb galayay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno,Wakiilo ka socday ururka Jaamacadda Carabta, iyo marti sharaf kale.
Kulanka oo la isku dhaafsaday fikrado kale duwan ayaa waxaa diirada lagu saaray iskaashiga wadamada jaamacadda carabta, iyo dar dar galinta doorka jaamacadda carabta ee la xiriira horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya oo mudooyinkii u dambeeyay ku tilaabsaneysay horumaro kale duwan oo dhinaca Dowladnimada ah.
Kulanka marii uu soo gabagaboobay kaddib ayaa waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Cali Kadiye oo ka warbixiyay shirkii maanta, waxaana uu xusay in aad loo gorfeeyay doorka jaamacada carabta ee Soomaaliya, iyo sida loogu baahanyahay in ururkaasi uu garab istaago Dalkeena Hooyo.
Soomaaliya ayaa soo ceshatay karaamadii aduun weynaha ay ku laheyd, iyadoo hada Calankeena hooyo uu ka muuqda fagaarayaasha caalamiga ah Soomaaliyana saameyn ay ku leedahay aduunka, taasi oo qeyb ka ah horumarka dhinaca kasta leh ee waayihii u dambeeyay wajahayay dalkeena.
Sawir Qaade:- Maxamed C/laahi Maxmed Feereysane