Akhristayaal halkani waxaan idiin ku soo gudbineynaa sawirada Damaashaadka Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho maanta oo jimaca eheyd, waxaa halkaasi isugu yimid qeybaha kale duwan ee bulshada Soomaaliyeed, kuwaa oo ka nasanaya mashquulka maalmaha kale sida shaqada, iyo Waxbarashada.
Waxaa Xeebta Liido Degmada C/caziiz oo ay booqdeen koox wariyeyaal ah oo ka tirsan Radio Muqdisho ay halkaasi ku soo arkeen kumanaan dad ah oo isugu jira, Dhalinyaro,Haween,Odayaal,Caruur, iyo dadyow kale oo doonayay in maskaxda ay ku nasiyaan xeebtaa quruxda badan iyo neecaawdeeda caafimaadka leh.
Inkastoo weli maanka umadda Soomaaliyeed uu ka sii guuxaya dadkii Soomaaliyeed oo ay ku xasuuqeen argagaxisada waliba sida xishood la’aanta ah ay ugu faaneen oo aan ilaawi doonin, waxaana damaashaadkaasi uu daliil u yahay sida umadda Soomaaliyeed marna argagaxisada aysan u cabsi galin Karin oo aysan ka hor istaagi Karin in dadku farxada ay wadaagayaan.
Dhinaca Kale Ciidamada Ammaanka ayaa si guud u sugayay amniga kuwaa oo sheeda sare kala socday dhaq dhaqaaqa xeebt.
Sawir Qaade:-Maxamed C/laahi Maxamed Feereysane