Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro ka qeyb galay Xiritanka Tababar ku saabsanaa la qabsahada is-badalka Cimilada oo Qaar ka Mid ah Shaqalaha Dowlada logu soo Gabagabeeyay Nairobi”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 13, 2016
in Wararka
0
Wasiiro ka qeyb galay Xiritanka Tababar ku saabsanaa la qabsahada is-badalka Cimilada oo Qaar ka Mid ah Shaqalaha Dowlada logu soo Gabagabeeyay Nairobi”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan Xiritaanka tababarkani ku saabsanaa la qabsiga is-badalka Cimilada ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya iyo wasiiru dowlada bey’ada ee Xafiirka ra’iisul wasaraha iyo mas’uuliyiin ka kala socday hay’adda UNDP iyo machadka tababarka bixinayay ee KEFRI iyo xubno kale.

Tababarkani oo ay iska kaahadeen UNDP iyo xafiiska bey’da ee xafiiska ra’iisul waaaraha ayaa mudo sadax todobaad waxa uu magalada Nairobi uga socday qaar ka mid ah shaqaalaha wasaradaha Xukuumada Soomaaliya, xubno ka socday maamul goboleedyada ka jira dalka iyo ururada bulshada Rayidka ah.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Wasiiru dowlaha bey’ada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Burci Maxamed Xamza oo ka hadlay munaasabada xeritanka tababarka ayaa waxa uu sheegay inay joogteynayan Tababarada sare loogu qaadayo Aqoonta shaqaalaha Dowlada si wax looga qabto is-badalka cimilada.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay dhalinyaradii ka socotay wasaaradaha ee ka qeyb galay tababarkan inay shaqo fiican qabteen Aad ayana loo amaanay laakiin shaqada halkan ma ku ekaaneyso anaga hadan nahay bahda deegaanka ee xafiiska ra’iisul wasarada waa in aan sii wadno tababarada Isbadalka Cimilada,waxana tababarnay in ka badan 50-ka mid ah shaqaalaha wasaradaha”Ayuu Yiri Burci Maxamed Xamza.

“Hadii aan rabno inaan wax ka qabano isbadalka cimilada waa lagama maar maan in aan kordhinaa Aqoonta shaqalaha ka shaqeeya wasaradaha Dowlada,Maamul goboleedyada iyo ururada Bulshada Rayidka,hadii kale way adkaaneysaa in aan fulinno shuruucda ku jirta heshiiska isbadalka Cimilada” Ayuu Sii Raaciyay Burci Maxamed Xamza.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya Xaawa Xasan Maxamed ayaa iyana waxa ay xustay in loo baahanyahay xoojinta  Wacyi gelinta bulshada si looga hortago dhibaatooyinka dadka ku imaan kara marka uu isbadal ku yimaado cimilada.

“Runtii waxan muhimad gaar ah siinay in aad loo xoojiyo Arrintan isbadalka cimilada Sababtoo ah hadii Cilimada isbadasho dhibatooyin ayey dadka ku keeni kartaa,hadii aana ka taxadirin dhibaatada caafimaad ee ka imaan karta,Culeys weyn ayaa waxay soo saareysaa wasaarada Caafimaadka”Ayey Tiri Wasiirka Caafimaadka.

“Aadban ugu faraxsanahay inan imaado Xeritaanka tababarkan oo aan arko dhalinyaro Soomaaliyeed oo wax la baray, iyagana waxan rajeynaynaa in wixii ay barteen ay dadkooda uga faa;ideeyaan”Ayey sii raacisay wasiirka waxbarashada.

Munasabada oo shahaadooyin lagu gudoonsiiyay xubnihii ka qeyb galay tababarka ayaa markii ay soo gabagabowday qaar ka mid ah waxa ay ka hadlen waxyabahii ay ka faa’ideyteen mudadii uu socday tababarka.

Cabdulqaadi Cumar Cali”Waxan ka faa’idnay isbadalka Cimilada sidii aan wadankeena u geyn lahayn oo aan aduunka ula jaan qaadi lahayn,waxan tagnay goobo badan aqoonta kaliya ee aan saa’idsanay ayaa wax lasoo koobi karo ahayn”

Muno Saciid Axmed”waxyabaha aan ka faa’ideyanay waxaa ka mid ah wadankeena sidan ognahay dhirta ma hormarino inan dabar jarno ma ahane,geeda badan oo waxa jira aan aqoon u lahayn oo aan hada wax badan ka faa’idnay,tusaala ahaan Dacarta iyo geed talaalka anaga waxba uma isticmaalno laakiin faa’idooyin badan oo ay leeyihiin ayaan aragnay”

Kaafi nidamudiin Aadan”Waxyaabaha aan meeshan kasoo baranay waxaa ka mid ah sida bulshooyinkii aan u tagnay ay ula jaanqaadeen oo ay ula qabsadeen isbadalka Cimilada,iyadoo aan la adeegsaneyn wax dibada looga keenay laakiin la adeegsanayo sidii loogu dadaali lahaa horumarinta Qeyraadka ay dadku leeyihiin”

Waa markii labaad oo shaqaalo ka socday wasaarada dowlada Soomaaliya iyo xubno matalayay maamul goboleedyada tababar ku aadan la qabsashada is-bdelka Cimilada lagu siiyo Magaalada Nairobi.

IMG_4228 IMG_4229 IMG_4234 IMG_4238 IMG_4241 IMG_4247

1 2 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13

Sawir qaade:- Cabdulkari Cali Xuseen Koronto

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Ifraax Macalin Axmed oo Ireland kulan kula qaadatay mas’uuliyiin kala duwan “SAWIRRO”

Next Post
Ifraax Macalin Axmed oo Ireland kulan kula qaadatay mas’uuliyiin kala duwan “SAWIRRO”

Ifraax Macalin Axmed oo Ireland kulan kula qaadatay mas’uuliyiin kala duwan “SAWIRRO”

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In