Tuesday, November 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashada madaxtinimada Uganda oo bilaabatay

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Doorashada madaxtinimada Uganda oo bilaabatay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadka reer Uganda ayaa bilaabay saaka in ay u dareeraan goobaha ay yaaliin sanaadiiqda doorashooyinka madaxtinimada ah ee dalkaasi, iyadoo madaxweynaha hadda talada haya Yoweri Museveni  uu raadinayo xilli kale  isagoo muddo 30 sano ah dalkaasi maamulayay.

Todobo musharax ayaa u taagan xilka madaxtinimada Uganda, waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka taariikhda dalkaasi.

Related posts

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025

Mr Museveni ayaa mucaaradad xoogan kala kulmay siyaasiga rug-cadaaga ee Kizza Besigye iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Amama Mbabazi.

Doorashadan ayaa sidoo kale waxaa ku jira tan xubnaha baarlamaanka dalkaasi.

Goobaha lagu codeynaayo ayaa furmay aroornimadii hore e saaka, iyadoo in ka badan 15 million oo ruux kuwaas oo loo diiwaangeliyay in ay codadkooda dhiibtaan.

Musharax guuleysanaya ayaa laga doonayaa in uu helo in ka badan 50%  kaas oo noqonaya madaxweynaha Uganda si looga fogaado wareeg kale oo doorasho .

Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa xukuumadda Uganda ku eedeyay in ay kordhinayso cadaadiska ay ku heyso hogaamiyayaasha mucaaradka, taageeriyaasha iyo saxaafadda intii lagu guda jirey ololaha  doorashooyinka.

Mr Museveni, oo 71 sano jir ah, ayaa talada dalka hayay tan iyo 1986, waxaana uu kamid yahay mid kamid ah madaxweyniyaasha ugu xilliga dheer.

Mr Besigye ayaa aan wax guul ah ka gaarin sadexdii xilli doorasho oo uu soo istaagay.

Mr Mbabazi waxaa uu ahaa xulafo hore oo uu lahaa madaxweyne Museveni. Waxaa uu soo noqday Ra’isulwasaare sanadadii  2011-2014, kolkaas oo uu shaqada la ceyriyay.

Intii lagu guda jirey ololaha doorashada ayaa kooxaha mucaaradka ah waxaa ay madaxweynaha ku eedeeyeen in uu sameeyay musuq maasuq iyo wax isdaba marin hase yeeshee,Mr Museveni gaashaanka ayuu u daruurey ee deyntaasi.

Dalka Uganda ayaa waxaa ka jira shaqo la’aan aad u bahsan iyo adeegyada bulshada oo aad u liidata.

Source: BBC

 

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Howlgal dad badan lagu soo qabtay oo xalay Muqdisho laga fuliyay

Next Post
Howlgallada lagu sugayo amaanka caasimadda oo la kordhiyay

Howlgal dad badan lagu soo qabtay oo xalay Muqdisho laga fuliyay

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Suleymaan,...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha...

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

November 3, 2025
0

Wasiirrada Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad uu Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Howlaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In