Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo safaaradda Kenya ee Soomaaliya ku wareejisay muwaadin Kenyan ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa si wada jir ah ugu wareejiyay safaaradda Kenya ee Soomaaliya muwaadin u dhashay dalka Kenya oo ay ciidamada Nabad sugidda ka soo furteen kooxaha burcad badeed Soomaali ah.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay garoonka Aadan Cadde ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Amniga gudaha iyo Arrimaha dibadda ay ku wareejiyeen diblomaasi ka tirsan dowladda Kenya, muwaadin u dhashay dalka Kenya, kaasi oo ay burcad badeed Soomaaliyeed afduub ahaan u heysteen.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Ciidanka Nabadsugidda ee maamul goboleedka Galmudug ayaa xilli habeen ah xoog uga soo furtay kooxo burcad badeed Soomaali ah, waxaana ay ku soo wareejyeen dowladda.

James oo ah muwaadinka u dhashay dalka Kenya ee laga soo furtay burcad badeedda ayaa tilmaamay in 15 bilood ay afduub ahaan u heystaan kooxaha burcad badeedda, waxaana uu mahadcelin u jeediyay Madaxda Dowlad goboleedka Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

“Magaceyga waa James, waxaana u dhashay dalka Kenya muddo 15 bilood ayaan gacanta ugu jiray kooxaha burcad badeedda, weerar ciidanka NISA ay soo qaadeen xilli habeen ah ayaa la igu soo badbaadiyay” ayuu yiri James.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Amniga gudaha iyo Arrimaha dibadda ayaa ciidanka amniga uga mahadceliyay tallaabada ay ku soo furteen muwaadinka u dhashay dalka Kenya.

Diblomaasi ka tirsan safaaradda Kenya ee Soomaaliya ayaa dowladda uga mahadceliyay sida loo soo badbaadiyay muwaadinkan, waxaana uu codsaday in ciidanku ay markale soo furtaan gabar u dhalatay dalka Kenya oo gacanta ugu jira.

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Yoweri Museveni oo guuleystay

Next Post
Yoweri Museveni oo guuleystay

Yoweri Museveni oo guuleystay

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In