Ciidamada ammaanka ayaa xalay howlgallo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.
Howlgallada ayaa ciidamadu waxa ay ku soo qab qabteen tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay ka tirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku socoto baaritanno lagu kala saarayo kuwa ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa aan ahayn.
Howlgalka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya caasimadda.
Guddoomiyaha Degmada Dharkeynleey ee gobolka banaadir Cumar Meyre Macow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shacabka degmada ay la shaqeeyaan ciidamada amniga, waxaana uu intaa ku daray in marka ay soo dhamaato su’aalo weydiinta la sii deyn doono dadka aan ka tirsaneyn maleeshiyada Al-Shabaab.
Guddoomiyaha ayaa uga digay dadka qarinaya maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo ciddii lagu hela laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, waxaana uu intaa raaciyay in bulshada looga baahanyahay inay ka shaqeyso xoojinta amniga.