Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda sare ee dalka oo shaacisay in uusan jirin ururka Iskaashatooyinka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda sare ee dalka ayaa go’aan ka soo saartay is qab qabsi muddooyinka dambe ka dhexeyeey hogaanka ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed.

Maxkamada sare ee dalka ayaa maanta xukmisay inuusan dalka ka jirin urur iskaashato Qaran kadib markii maxkamadda ay u fariistaay dacwad is qa qabsi ah u dhexeysay labo garab oo isku heystay Ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed, iyadoo Maxkamadda sare ay u sababeysay arrimo ay kamid tahay in Ururka la isku heystay uu yahay mid ku kooban Muqdisho, isla markaana aysan qeyb ka aheyn iskaashatooyinka Gobollada dalka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Kaaliyaha Maxkamda sare ee dalka Mahdi Xuseen Maxamuud ayaa ugu horeyn aqriyay go’aanka ay maxkamdda soo saartay iyo sharciyada loo cuskaday.

  1. Maxkamadda waxa xukuntay in ururkii jiray xiligii dowldda dhexe ee UDHIS uu la bur buray dowladdii dhexe ee dalka.
  2. In wixii hanti uu ka tegay ururka ee ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
  3. In aan hadda jirin ururkaasi ama Urur Iskaashato oo heer Qaran oo dadka oo dhan ka dhexeeya, laamana ku leh degmooyinka iyo gobollada dalka.
  4. In wixii urur ah ee ka jira Xamar uu yahay mid Xamar un ku kooban, ama gaar gaarka ah, sida kan gaadiidka, dhuxusha, beelayda
  5. Iskaashato dal ama waxay noqon kartaa marka degmooyinka iyo gobollada dalka ay ka sameystaan urur iskaashato, isla markaana sameysta xeerar ay isku maamulayaan.
  6. Labadan urur ee dacwadan isaga soo horjeeda, midkoodna ma buuxin sharuudihii ay uu ku noqon lahaa urur Iskaashato Qaran oo ay ku midoobeen iskaashatooyinka ka jira dalka.

Guddoomiyaha Maxkmada sare ee dalka Mudane Ceydiid Cabdullahi Ilka xanaf ayaa sheegay in haddii la sameynayo Ururka iskaashatooyinka Qaranka loo baahan yahay in la sameeyo sharci lagu dhisayo Ururkan,

“Urur Qaran oo UDHIS la yiraahdo oo dalka ka jira hadda ma jiro, dowladda way dhisi kartaa, balse waxaa ka horeysa in la helo sharcigii lagu dhaqi lahaa, haddii sharci cusub iyo nidaam cusub oo dowladeed la sameeyo waa la aas aasi karaa” ayuu yiri Abukaate Caydiid Ilka Xanaf.

Go’aanka Maxkamada sare ee dalka ayaa xal u noqonaya muran in muddo ah soo jiitamayay oo u dhexeeyay labo garab oo isku heystay Ururka iskaashatooyinka Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga oo soo bandhigtay fursad shaqo

Next Post

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka furay mashruuc waxtar u leh bulshada “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka furay mashruuc waxtar u leh bulshada “SAWIRRO”

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka furay mashruuc waxtar u leh bulshada “SAWIRRO”

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In