Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay lacagaha sida qaldan looga qaadayo shacabka, iyadoo loo sheegayo in Dalka Sacuudiga loo qaadaayo, isla markaana digniin u dirtay Dadka hawlahaas ku lug leh ee dadka lacagta ka aruursanaya.
Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Cusmaan Libaax Ibraahim oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa in sheegay in shaqaalaha loo qaadi doono Dalka Sacuudiga ay Wasaaradda Shaqada masโuul ka tahay, isla markaana ay jiraan shaqsiyaad si qaldan dadka wax uga qaata.
โWararka been abuurka ah ee ka socda guud ahaan dalka, taasi oo ah in si qaldan loo fasiray shaqaale loo qaadayo dalka Sacuudiga, balanqaadka Madaxweynaha ayaa ku jirtay in dadka shaqo abuur loo sameynayo, Wasaaradda shaqada ayaa dowladaha khaliijka arrintaasai kala hadashay, taasi oo fursad u siineysa in shaqaale badan loo qaado dalka boqortooyada oo qeyb ka ah shaqo abuurโ ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka shaqada.
Wasiir-ku xigeena Wasaaradda shaqada ayaa digniin u dirtay dadka marin habaabinta ka dhex-wada shacabka, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay arrinkan uga dambeeyaan Dawladda.
โDadka la qaadayo waxa ay isugu jiraa rag iyo dumar oo buuxiya sharuuha u degsan wasaaradda, maamul goboleedyada, iyo maamulka gobolka ayaa loo qeybinayaa shaqaalaha Sacuudiga loo qaadayo, waxaana ciddii buuxisa sharuudahan ay xaq u yeelan doonto in loo qaado dalka Booqrtooyada Sacuudigaโ ayuu hadalkiisa ku daray Cismaan Libaax.