Monday, August 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Oo Si Xowli Ah Ku Socda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 24, 2016
in Wararka
0
Howlaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Oo Si Xowli Ah Ku Socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaarad nooceedu uu yahay BAE 146 oo qaada boqol iyo labaatan qof oo ay leedahay shirkada diyaaradaha ee Daalo, iyo Jubba islamarkaana  ay saarnaayeen rakaab ka yimid dalka Djabouti ayaa maanta barqadii ka soo degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Magaaladda Muqdisho,waxaana garoonka ku sugnaa  mas’uuliyiinta ,waaxda socdaalka
iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Mas’uuliyiinta shirkadaha diyaaradaha Daalo, jubba  iyo waaxda duulista hawada Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta shirkadani diyaaradaha ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay markii la qarxiyay diyaarada ay leedahay shirkada
diyaaradaha ee Daalo iyo jubba oo hakad galay howlihii duulimaad ee ay ka wadeen garoonka diyaaradaha ee muqdisho ay hada howlahooda duulimaad ay dar dar geliyeen maadaama howlaha garoonka muqdisho la horumariyay amaankana si weyn loo adkeeyay.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025
Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

August 11, 2025

Kabtanka diyaarada Daalo Goerge Gaplous ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in diyaarad uu kabtan ka yahay ka howlgasho garoonka diyaaradaha ee muqdisho taasina ay ka dambeysay horumarka laga sameeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
‘’Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan sii dar dar gelino howlaha garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, anagoo taasi uga mahad celineyna maamulka garoonka iyo hay’adaha amaankaba ,taasi shacabka dhoofaya iyo kuwa soo degaya intaba dhiira gelin ayay u tahay ,waxaana sidoo kale aan 100% ku kalsoonahay amaanka garoonka diyaaradaha ee muqdisho’’ Ayuu yiri Kabtankaasi.

Maareeyaha waaxda duulista iyo saadaasha ee Soomaaliya Cabdi Waaxid Sheikh Cumar ayaa sheegay in howlaha duulimaad ee shirkadaha duulimaadyada ay ka wadeen garoonka Muqdisho ay doonayaan in ay horumariyaan.

Kamaal Cabdi Casiis Olol oo ah agaasimaha farsamada ee Shirkada diyaaradaha ee Daalo iyo Jubba ayaa ugu baaqay dadka rakaabka ah in ay mas’uuliyad isa saaraan oo maamulka diyaarada ay dhinaca ammaanka kala shaqeeyaan.

Taliyaha waaxda Socdaalka iyo jinsiyadaha ee Soomaaliya C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in ay xooga saareen sidii loo adkeyn lahaa amaanka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

 

Previous Post

Guddoomiye Jawaari Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Jaamacadda Carabta”SAWIRRO”

Next Post

Shirkii Istanbuul Oo La Soo Gabagabeeyay

Next Post
Madaxweynaha iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Q. M. oo shir guddoomiyay shirka ka furmay Turkiga+Sawirro

Shirkii Istanbuul Oo La Soo Gabagabeeyay

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

August 11, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin...

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay xubno katirsana khawaarijta

August 11, 2025
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah waxay ku fulisay Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable...

Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)

Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)

August 11, 2025
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dhawaan gacanta ku dhigay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa soo bandhigay Hub, Saanad...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Daah-furay Dhisme Cusub oo Safaaradda Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Daah-furay Dhisme Cusub oo Safaaradda Aljeeriya

August 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliso Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Wasiirka Arrimaha Dibadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In