Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Oo Si Xowli Ah Ku Socda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Howlaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Oo Si Xowli Ah Ku Socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaarad nooceedu uu yahay BAE 146 oo qaada boqol iyo labaatan qof oo ay leedahay shirkada diyaaradaha ee Daalo, iyo Jubba islamarkaana  ay saarnaayeen rakaab ka yimid dalka Djabouti ayaa maanta barqadii ka soo degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Magaaladda Muqdisho,waxaana garoonka ku sugnaa  mas’uuliyiinta ,waaxda socdaalka
iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Mas’uuliyiinta shirkadaha diyaaradaha Daalo, jubba  iyo waaxda duulista hawada Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta shirkadani diyaaradaha ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay markii la qarxiyay diyaarada ay leedahay shirkada
diyaaradaha ee Daalo iyo jubba oo hakad galay howlihii duulimaad ee ay ka wadeen garoonka diyaaradaha ee muqdisho ay hada howlahooda duulimaad ay dar dar geliyeen maadaama howlaha garoonka muqdisho la horumariyay amaankana si weyn loo adkeeyay.

Related posts

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026

Kabtanka diyaarada Daalo Goerge Gaplous ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in diyaarad uu kabtan ka yahay ka howlgasho garoonka diyaaradaha ee muqdisho taasina ay ka dambeysay horumarka laga sameeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
‘’Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan sii dar dar gelino howlaha garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, anagoo taasi uga mahad celineyna maamulka garoonka iyo hay’adaha amaankaba ,taasi shacabka dhoofaya iyo kuwa soo degaya intaba dhiira gelin ayay u tahay ,waxaana sidoo kale aan 100% ku kalsoonahay amaanka garoonka diyaaradaha ee muqdisho’’ Ayuu yiri Kabtankaasi.

Maareeyaha waaxda duulista iyo saadaasha ee Soomaaliya Cabdi Waaxid Sheikh Cumar ayaa sheegay in howlaha duulimaad ee shirkadaha duulimaadyada ay ka wadeen garoonka Muqdisho ay doonayaan in ay horumariyaan.

Kamaal Cabdi Casiis Olol oo ah agaasimaha farsamada ee Shirkada diyaaradaha ee Daalo iyo Jubba ayaa ugu baaqay dadka rakaabka ah in ay mas’uuliyad isa saaraan oo maamulka diyaarada ay dhinaca ammaanka kala shaqeeyaan.

Taliyaha waaxda Socdaalka iyo jinsiyadaha ee Soomaaliya C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in ay xooga saareen sidii loo adkeyn lahaa amaanka garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

 

Previous Post

Guddoomiye Jawaari Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Jaamacadda Carabta”SAWIRRO”

Next Post

Shirkii Istanbuul Oo La Soo Gabagabeeyay

Next Post
Madaxweynaha iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Q. M. oo shir guddoomiyay shirka ka furmay Turkiga+Sawirro

Shirkii Istanbuul Oo La Soo Gabagabeeyay

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In