Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku simha duqa Muqdisho oo sheegay in ay adkeyn doonaan amniga Muqdisho

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Ku simha duqa Muqdisho oo sheegay in ay adkeyn doonaan amniga Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Inta la xaqiijiyay 5 ruux oo rayid ah, ayaa ku geeriyootay hoobiyeyaal maanta duhurnimadii lagu garaacay xaafado ka tirsan degmooyinka Warta nabadda  iyo Howl wadaag ee magaalada Muqdisho, ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye, oo booqday mid kamid ah goobaha ay ku dhaceen madaafiicdaa ayaa tacsi u direy ehelada dadkii ku waxyeeloobay.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira carruur aad u da’ yar oo malcaamadii ay wax ka baranayeen uu ku soo dhacday madaafiicdaasi, iyadoo sidoo kale 6 ruux ay dhaawacyo ka soo gaareen weerarkan maanta.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025

Ku simaha duqa Muqdisho, ayaa sidoo kale sheegay in hey’adaha ammaanka ka dalbaday in ay talaabo ka qaadaan kooxaha caadeystay in ay madaafiic ku weeraraan dadka Soomaaliyeed.

“Hey’adaha ammaanka ugu baaqaya  dadkaasi dhagar qabayaasha ah oo maalinta kasta u bartay in ay daadiyaan dhiga shacabka Soomaaliyeed in ay soo qabtaan,” ayuu yiri Diiriye.

Guddoomiyaha, ayaa tilmaamay in ka maamul ahaan ay wadaan qorshe lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho, isla markaana qorshahaasi laga bilaabay degmada Dharkenley kaas oo lagu baahin doono guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Maxamed Axmed Diiriye, ku simaha duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale shacabka ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir ka codsaday in ay soo sheegaan dadka falalka amni darada ka fulinaya magaalada Muqdisho.

Previous Post

Golaha Wasiirada oo ansixiyey siyaasadda guddiga ammaanka iyo difaaca xeebaha dalka

Next Post

Duqa magaalada Muqdisho iyo dhiggiisa Istanbul oo heshiis kala saxiixday (Sawirro)

Next Post
Duqa magaalada Muqdisho iyo dhiggiisa Istanbul oo heshiis kala saxiixday (Sawirro)

Duqa magaalada Muqdisho iyo dhiggiisa Istanbul oo heshiis kala saxiixday (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa kulan miro-dhal ah...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

December 17, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo ka jirta deegaanada maamulkaasi....

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in guddigu uu bilaabayo daabulidda qalabka rasmiga ah ee lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In