Monday, May 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Cumar oo cambaareeyey Qaraxii xalay ka dhacay Taaladda SYL

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa cambaareeyey Qaraxii Argagixiso ee xalay ka dhacay Taalada SYL. Wuxuuna tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay weerarka, wuxuuna ALLAH uga baryey in uu caafimaad deg deg ah siiyo dadka ku dhaawacmay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay weerarkaas mid ka baxsan dhaqanka Islaamka isla markaana ay nabad-diidku ku doonayeen in xasuuq ay ugu geystaan dadka rayidka ah kuwooda ugu nugul ee u soo dalxiis taga Beerta Nabadda (Peace garden), halkaas oo ay ku nastaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed waqtiyada ay jaaniska leeyihiin. Falkaasi argagixiso oo loo adeegsaday baabuur kuwa xamuulka ah oo isku dayay inuu ka gudbo bar koontarool ciidamada ku sugnaayeen.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026

“Falalka noocaan ah waa kuwo lagu argagax galinayo shacabka, laguna hor istaagayo daganaanshaha iyo horumarka dalka. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa iney meel uga soo wada jeestaan bahalnimada aragagaxisada. Daadinta dhiiga dad aan waxba galabsan, maahan ficil raad ku leh anshaxa diinta islaamka, waana fal cadownimo, oo lala beegsanayo shacabkeena, waana dhaqan aan la aqbali karin.”ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dhiiranaanta ay muujiyeen ciidanka ammaanka ee ka hortagay in qaraxaasi gaaro bartii cadowgu la damacsanaa. Wuxuna ugu baaqay Hay’adaha amniga iney muujiyaan feejignaan dheeraad ah, baaritaana ku sameeyaan dhacdadaas.

Previous Post

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay dadaalka guddiga xal raadinta ee suxufiyiinta

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka...

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026
0

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka qayb galaya in ka badan 35 suxufi oo ka kala socda...

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

May 3, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamza Haadow, ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada...

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay martiqaadka Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In