Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo maanta kormeeray xarumaha maamulka ee Gaalkacyo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 28, 2016
in Wararka
0
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo maanta kormeeray xarumaha maamulka ee Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Maxamed Xaashi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayay oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa maanta kormeer ku aadanaa u kuurgalidda xaaladda
shaqo ku tagay qaar ka mid ah xarumaha maamulka Galmudug ee ku yaala magaalada Galkacyo.

Meelaha uu madaxweyne ku xigeenka Galmudug uu kormeeray waxaa a mid ah Xarunta maamulka dagmada Galkacyo xarunta taliska qeybta booliiska gobalka Mudug saldhigga ciidanka booliiska dagmada iyo xarunta wasaaradda waxbarashada ee gobalka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug.

Related posts

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

August 18, 2025
Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

August 18, 2025

Wafdiga ayaa intii ay ku sugnaayeen xarunta dowladda hoose ee  maamulka dagmada Galkacyo waxa ay
kulan la qaateen xubnaha golaha deegaanka dagmada, iyagoona ka dhageeystay warbixinno ku aaddan xaaladda
shaqo ee maamulka dagmada iyo sidoo kale baahiyaha dhanka adeegga bulshada, kuwaasoo sheegay in ay jiraan baahiyo farabadan oo xiligaan aysan wax ka qabashadooda  awood u laheyn.

Sidoo kale masuuliyinta maamulka dagmada Galkacyo oo ugu horeeyo gudoomiyaha dagmada Xirsi Yuusuf Barre
ay ka codsadeen  madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisa in sida uga dhaqsiyaha badan dowlad gobaleedka Galmudug ay usoo saaraan xeerkii wada shaqeeynta hay’adaha kala gadisan ee maamulka.

Maxamed Xaashi Cabdi madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaa wax ka qabashada arimaha ay soo gudbiyeen maamulka dagmada Galkacyo isagoona xusay waxa u horeeya ee ay xoogga
saarayaan ay tahay tababarida shaqaalaha maamulka dowlada hoose.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo wafdigiisa  ayaa intii ay kormeerkooda ku guda jireen waxa ay warbixino ka dhageeysteen sarakiisha ciidanka booliiska Galmudug taas oo inteeda badan la xariirta baahiyada adeegyada ciidanka booliiska ay u baahan yihiin iyo ka warqabidda maxaabiista iyo eedeeysanayaasha ku xiran xabsiga iyo
saldhigga magaalada Galkacyo

Previous Post

Qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo goor dhaweyd ka dhacay Baydhabo

Next Post

Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa qarax ka dhacay Baydhabo “Dhageyso”

Next Post
Akhriso magacyada golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka G.Mudug Oo Gor dhaw lagu Dhawaaqay+Sawirro

Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa qarax ka dhacay Baydhabo "Dhageyso"

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay dowladda

August 18, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur kusoo bandhigay afar dhalinyaro ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

August 18, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cumar Beerre iyo deegaannada ku hareereysan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada...

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

August 18, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa maanta magaalada Tokyo ugu gudbisay nuqul ka mid...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞e 𝐖𝐅𝐏

August 18, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatey Wakiilka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In