Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qasaaraha ka dhashay qaraxii Baydhabo oo sii korortay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa qaraxyo ka dhacay Baydhabo, kaasi oo ugu yaraan 20 ruux ay ku geeriyootay halka 60 kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii labo qarax oo is xig xigay ay ka dhaceen bartamaha magaalada Baydho ee xarunta gobolka Bay.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Baydhabo Siraaji Sheekh Isxaaq oo tegay Isbitaalka Baydhabo ayaa ku soo waramay in qarax koowaad uu ka dhacay maqaaxi lagu magacaabo Reedo oo ay geysteen labo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo iska soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, halka qarax labaad uu isna ka dhacay maqaaxi lagu magacaabo Suweys, kaasi oo loo adeegsaday gaari nuuca Hoomey loo yaqaan oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Related posts

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026

Tirade dadka ku dhintay labada qarax ayaa la sheegay inay gaarayaan 20 ruux halka kuwa ku dhaawacmayna ay iminka mareyso 60 qof oo u badan dad rayid ah oo ay ku jireen haween shaaha ka ganacsadaiyo dadkii u soo gaxwo doontay.

Agaasimaha isbitaalka Cabdifataax Ibraahim Xaashi ayaa sheegay in todobo ka mid ah dadka ku dhintay qaraxa, la garan la’yahay kadib markii ay wajiga ka gubteen, isagoo intaa ku daray in dadka dhaawaca ah ay isugu jiraan kuwa fudud iyo kuwa xaaladooda ay halistahay, balse ay wadayaan dadaalkooda ku aadan sidii loo dabiibi lahaa dhaawacyada isbitaalka la geeyay.

“Dadka dhaawaca ah ee naloo keenay waxa ay gaarayaan 60-ruux, 42 ka mid ah jiif ayaa u soo baxday halka 18-kale ay dib ugu laabteen guryahooda, tirada dhimashada waa 20-qof, todobo ka mid ah isbitaalka ayay ku dhinteen, halka 13-kalena naloo keenay iyaga oo meyd ah, kuli shacab ayay ahaayeen” ayuu yiri Agaasimaha Isbitaalka C/fataax Ibraahim Xaashi.

Previous Post

Madaxda dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya oo isku raacay xoojinta iyo taageerada hawlgalka AMISOM “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaalo uu ku tegay dalalka Turkiga iyo Greece

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaalo uu ku tegay dalalka Turkiga iyo Greece

Ra’iisul Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaalo uu ku tegay dalalka Turkiga iyo Greece

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In