Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tubta Toosan

Madaxda dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya oo isku raacay xoojinta iyo taageerada hawlgalka AMISOM “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 28, 2021
in Tubta Toosan, Wararka, Xulashada
0
Madaxda dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya oo isku raacay xoojinta iyo taageerada hawlgalka AMISOM “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Djibouti ka soo saarey war murtiyeed ay ku caddeeyeen baahida loo qabo xoojinta, tayeynta iyo ka guul gaarista hawlgalka AMISOM ee xasilinta Soomaaliya iyo burburinta kooxda argagixisada ee Al Shabaab.

Shirkan oo ay martigelisey Djibouti, ayaa waxaa ka soo qeybgaley Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn iyo wakiilo ka kala socday Uganda, Burundi, Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midway iyo diblomaasiyiin kale.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in hawlgalka AMISOM uu guulo badan soo hoyey, balse haatan loo baahan yahay in la tayeeyo , sarena loo qaado waxqabadkooda si guul kama dambeys ah looga gaaro dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, nabad buuxdana loogu soo dabaalo dalka iyo gobolka Geeska Afrika.

“Soomaaliya horumar la taaban karo ayay sameysey, waxaana taa abaalkeeda leh dalalka maanta halkan fadhiya oo go’aansadey inay wiilashooda iyo gabdhahooda inoo soo diraan, kuwaas oo naftooda u huraan nabad ka aslaaxinta Soomaaliya. Waxaa Soomaaliya 9-kii sanno ee AMISOM ay dalka joogtay la gaarey guulo siyaasadeed oo ay ugu weyn tahay qorshaha sannadkan la doonayo in muddo 47 sanno kadib doorashooyin ay waddankeena ka dhacaan’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in si loo xajiyo guulaha la gaaray loo baahan yahay in hawlgal milateri oo si wanaagsan la isugu soo dubbariday lagu qaado kooxaha argagixisada.

“Al Shabaab waxay doonayaan inay shacabka niyadda ka jebiyaan, isla markaana ay carqaladeeyaan hadafka aanu leenahay sannadkan 2016-ka. Waxaa naga go’an inaan meesha ka saarno argagixisada. Iminka oo aan idin la hadlayo ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM waxay u dhaqaaqeen goobaha ay ku dhuumaleysanayaan Al Shabaab, waxaana hubaal ah in dhowaan la soo afjari doono weerarada ay wadaan kooxda naf la caariga ah ee dhiigga shacabka baneystey’’.

Madaxweynaha ayaa madaxda shirka ka qeybgashey u soo jeediyay talooyin ay ka mid yihiin wadashaqeyn iyo xiriir hufan oo dhex mara taliska dhexe ee AMISOM iyo ciidammada Soomaaliya, in la xoojiyo taageerada la siinayo barnaamijka dib u dhiska ciidammada Soomaaliya oo iyagu aakhirka hawsha kala wareegi doona AMISOM, xoojinta sirdoonka, tababarka ciidammada iyo in weerarada la qaadayo ay noqdaan kuwo lagu beegsanayo bartilmaameedyada muhiimka ah ee cadowga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo isna kulankaasi ka hadley ayaa sheegay in ujeedka shirkan uu yahay mid lagu taageerayo dadaalka Madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladdiisa ay ugu jiraan xasilinta dalka, isagoo si gaar ah hoosta uga xariiqey muhimadda ay leedahay barnaamijka dib u dhiska ciidammada Soomaaliya.

Ismail, Chergui, oo ah Madaxa Guddiga Midowga Afrika ugu qaabilsan amniga iyo nabadgelyada ayaa sheegay in la xoojinayo awoodda ciidammada AMISOM dhan kasta, la iskuna afgartey in tas-hiilaad badan oo soo dedejin kara guulaha ciidammada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya la bixiyo.

Waxaa kale oo uu Mr Chergui sheegay in ciidammada AMISOM ee jooga Soomaaliya mar walba la xusuusinayo, loogana fadhiyo inay dhowraan xuquuqda aadanaha, difaaca shacabka iyo inay ka fogaadaan in la waxyeeleeyo dad shacab ah inta ay socdaan hawlgalada Al Shabaab looga soo horjeedo iyo kuwa dalka lagu aslaaxinayo intaba.

Madaxdii kale ee ka soo qeybgashey shirka ayaa iyaguna soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ka jira, isla markaana beesha caalamka ugu baaqey inay sii wadaan taageerada lagu xajinayo nabadda Soomaaliya.

1 2 3

Previous Post

Aqoon wadaag ku saabsan tayaynta adeegsiga Af Soomaaliga oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Qasaaraha ka dhashay qaraxii Baydhabo oo sii korortay

Next Post

Qasaaraha ka dhashay qaraxii Baydhabo oo sii korortay

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In