Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmad Hagar-dabo Geed, oo kulan la qaatay qaar kamid ah odayaasha iyo wax garadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu ka hadlay halka ay marayso maamul samaynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Yuusuf Axmad Hagar, ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin cid diidan dhisida maamulka labada gobol balse la dhamayn doono wixii ay dadku tabanayaan, iyadoona madaxda maamulada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ay hormuud ka yihiin.
โWixii khaldamay way saxmeen dadka reer Hiiraan iyo reer Shabeelaha dhexe way is arkeen madaxda maamulada Hiiran iyo Shabeelaha dhexe iyo madaxweynaha kulan ayaan qaadanay waxaana isla garanay is fahamโ. Ayuu yiri guddoomiye Hagar
Hadalka gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmad Hagar- Dabo geed,ayaa waxaa uu imaanayaa xili uu maanta dib ugu soo laabtay magaalada Beledweyneย kadib markii uu ka qeyb galay shirkii ย aayaha Soomaaliya looga hadlayay ee Turkiga lagu qabtay.