Monday, October 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo gaabiyey booqasho uu ku joogay Djibouti, dibna u dhigay socdaal uu ku tegi lahaa Sweden

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo soo gaabiyey booqasho uu ku joogay Djibouti, dibna u dhigay socdaal uu ku tegi lahaa Sweden
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaabiyey socdaal uu ku joogay dalka Jamhuuriyadda Djibouti, dibna ugu soo laabtay dalka, si uu uga qeyb qaato, una horkaco dadaal dowladda ay dib u eegis ugu sameyneyso xaaladda amniga ee magaalada Muqdisho oo ay dhowaan ka dhaceen weeraro kale oo argagixiso.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dib u dhigay safar rasmi ah oo uu ku tegi lahaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden 1-da ilaa 3-da bisha March 2016.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Mashruuc cuno qeybin ah oo laga daah-furay Hirshabeelle

October 27, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

October 27, 2025

Booqashadan ayaa looga gol lahaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Soomaaliya iyo Sweden waxaa ka dhexeeya xiriir qota dheer, siiba dhinacyada horumarinta, dib u dhiska, soo dhoweynta qaxootiga Soomaalida ee Sweden iyo gargaarka aadmiga.

Madaxweynaha ayaa waxaa u qorsheysneyd inuu kulamo la yeesho Boqorka Sweden, Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka tirsan xukuumadda Sweden, kana wadahadlaan horumarka Soomaaliya ay ka sameysey dhinacyada siyaasadda, dib u heshiisiinta, xoojinta taageerada Sweden ee dhinaca maalgashiga dhaqaalaha gaarka ah iyo arrimo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu shacabka iyo dowladda Sweden uga mahad celiyay martiqaadka loo fidiyey, balse waxaa uu si weyn uga xun yahay dib u dhaca ku yimid socdaalkiisa, sababo la xiriira xaalado soo kordhey awgood.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in marka ay xaaladda saamaxdo uu tegi doono Sweden.

Previous Post

Maamulka Puntland oo dhaqangelinaya sharci la xiriira marista waddooyinka+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Mashruuc cuno qeybin ah oo laga daah-furay Hirshabeelle

October 27, 2025
0

Wajiga koowaad ee mashruuc cuno qeybin ah oo socon doona muddo saddex bilood ah ayaa laga bilaabay degmooyinka Jalalaqsi iyo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

October 27, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalmood...

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada :Dhamaadka sanadkan 2025 ayaa dalka ka howlgelaysa diyaaradda Somali Airlines”

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada :Dhamaadka sanadkan 2025 ayaa dalka ka howlgelaysa diyaaradda Somali Airlines”

October 27, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax, ayaa sheegay in dhammaadka sanadkan 2025 ay dalka dib...

African Journalists Explore China’s Development Landscape to Experience its Growth

African Journalists Explore China’s Development Landscape to Experience its Growth

October 27, 2025
0

BEIJING/TIANJIN – A delegation of nearly 20 journalists from diverse African nations has concluded an immersive five-day educational and cultural...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In