Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada GalMudug oo Al-Shabaab ka saaray agagaarka Caad & Ceel-Cabd+Warsaxaafadeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda GalMudug ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab laga saarayo dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan, oo firxadkii argagaxisada ee agaagaarka Caad & Ceel-Cabdi ee maanta ayaana tusaale ugu filan nabad-diidka inay isaga cararaan deegaanada ama ay isu soo dhiibaan ciidamada GalMudug.

Wasiirka Warfaafinta & Dhaqanka Mudane Mohamud Aden Osman (Mesagaway) ayaa sheegay in ciidamada GalMudug ay dagaal ku qaadeen kooxaha nabad-diidka oo ku dhuumaaleysanayey agaagaarka Caad & Ceel-Cabdi oo dhowaan laga saaray deegaankaas.

Related posts

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025

Wasiir Masegaway ayaa yiri “Dowladda GalMudug oo in muddo ah waday dadaalo lagu sugayo amniga iyo nabadeynta ee deegaanada GalMudug ayaa ciidanku ay maanta oo ah 1da Maarso 2016 ay guulo ka soo hoyeen oo kooxaha argagaxisada ah laga sifeeyey agagaarka deegaanka Caad & Ceel-Cabdi oo ay isku urursanayeen si ay u soo weeraraan deegaanka oo dhowaan farahooda laga maroojiyey. Guushii maantana waxey kalsooni gelineysaa shacabka deegaanka oo maalin walba hubsanaya in geesiyaasha ciidamad GalMudug ay heegan joogta ah ugu jiraan sidii argagaxisada looga sifeyn lahaa dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.”

Wasiir Mesegaway oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dowladda GalMudug ee Soomaaliya waxey go’aansatay in dagaal culus lagu qaado kooxaha argagaxisada ah si loogu diido goobo ay ku dhuumaaleystaan. Ciidanka GalMudug iyagoo ka duulaya awaamiirtii Madaxweynaha GalMudug isla markaashana kaashanaya shacabka deegaanka ayaa waxey ka war-heleen in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isu abaabulayeen inay dagaal ku soo qaadaan deegaanadii dhowaan laga saaray. Sidaas daraadeed ayey ciidanku iyagoo kaashanaya shacabka go’aansadeen inay dagaal ku qaadaan oo ku soo dhamaaday guul oo kooxihii argagaxisada laga saaray deegaanadii ay ku dhuumaaleysaneyeen ee Gobolka Mudug. Argagaxisada ayaa meydkooda iyo dhaawacooda urursaday oo u firxaday dhanka degmada Xarardheere.”

Wasiir Mesegaway ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacabka GalMudug inay ciidamada la shaqeeyaan si amniga deegaanka loo sugo. Sidoo kale Wasiir Mesegaway ayaa baaq u diray dhalinyarada la qalday ee Al-Shabaabku adeegsanayaan una sheegay in la soo dhoweynayo haddii ay ciidamada isu soo dhiibaan oo ay qoryaha iska dhigaan diyaarna u yihiin inay nabada qaataan. Wasiir Mesagaway ayaa ka codsaday Madax dhaqameedka, culumaa’udiinka, waxgaradka iyo dhammaan qeybaha bulshada inay ka shaqeeyaan nabadeynta iyo sidii dhalinyarada la marin habaabiyey loo wacyigelin lahaa loogana soo saari lahaa dhibka ay ku jiraan.

 

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Go’aamo ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada

Next Post

Dhageyso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Next Post
Barnamijka, Falanqaynta Ciyaaraha oo looga haddlaayay Xiriirka Cusub ee Kubadd Cag yaraha Soomaaliyeed” Dhagayso”

Dhageyso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga soo xulista Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In