Wasiirka warfaafinta iyo wacyi galinta dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya mudane Xasan Cabdi Maxamed, ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay magaalada Port Elizapeth ee dalka koofur Africa, halkaasi oo ay jaaliyada Soomaalida ee gobolkaasi si wacan uga qeyb qaateen soo dhaweynta wasiirka .
Xasan Cabdi Maxamed wasiirka Warfaafinta Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa soo dhaweyntiiisa kadib waxaa loo galbiyay hotelka uu ka dagi lahaa magaalada mudada uu joogo isla markaana uga dhamaanayaan shaqooyinka uu u yimid dalka Koofur Africa.
Xubno ka tirsan jaaliyada Soomaalida ayaa goobta soo dhaweynta kula hadlay warbaahinta qaranka waxaa ayna sheegeen in kulan ay u agaasimi doonaan kaa oo noqon doono mid jaaliyada ay warbxino iyo Macluumaad uga qaadan karaan marxalada dalka Soomaaliya.
Wasiirka oo dhankiiisa la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta jaaliyada Soomaalida iyo tan Koofur galbeed u sameeyeen waxaa sido kale uu u mahadceliyay safaarada Soomaalida ee dalka koofur Africa.
Waxaa uu sheegay in jaaliyada uu warbixin guud ka siin doono xaalada dalka Soomaalida iyo tan Maamulka Koofur galbeed si ay xogta isku dhaafsadaan labada dhinac.
Jaaliyada Soomaalida ayaa la filayaa in maata oo jimcaha ah kulan u qabto wasiirka halkaas oo ay ku kala war qaadan doonaan.
Abdilahi Qorshe
Port Elizapeth-Koofur africa