Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo Mareykanka uga qeyb galay shir muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladda xuquuqul insaanka dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa halkaasi kaga qeyb galay shir looga hadlayay dib u soo kabashada dowladdaha ka soo kabanaya dagaallada sokeeye iyo sidii wax loogu qaban lahaa dowladahaasi.

Mudane Maxamed Cumar Carte oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in shirka lagu casuumay Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Bankiga Adduunka, waxaana uu intaa ku daray in qeyb weyn ay ka qaateen shirka oo uu soo bandhigay horumarada ay dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay iyo maareynta dadka gudaha dalka ku barakacay.

Related posts

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
Xildhibaannada BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saybarka Soomaaliya

Xildhibaannada BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saybarka Soomaaliya

January 10, 2026

Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya ayaa tilmaamay in beesha caalamka ay kala hadleen inay wax ka badalaan qaabkii hore ee ay Soomaaliya ku caawin jireen, kaasi oo rajo wanaagsan ka muujiyay, maadaama ay Soomaaliya ka soo kabaneyso colaado sokeeye.

“Labo arrimood ayaa nooga soo baxday oo ay ugu horeyso in Soomaaliya ay ka soo kabatay bur burkii hayay muddo ka badan 30-ka sanno, tan labaad waxaa noo soo baxday in qaabkii hore wax laga badalo, gaar ahaan hay’adaha caalamiga ah oo ay ka midtahay Bankiga Adduunka iyo kuwa kale caawinta Soomaaliya, si loo xoojiyo taageerada ay siinayan Soomaaliya” ayuu yiri Mudane Maxamed Cumar Carte.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay "SAWIRRO"

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

Xildhibaannada BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saybarka Soomaaliya

Xildhibaannada BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saybarka Soomaaliya

January 10, 2026
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 28-aad, waxaana shir...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeeray iskuulada Dowladda

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeeray iskuulada Dowladda

January 10, 2026
0

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa kormeer iyo dhiirrigelin ugu tagay...

Safiirka Soomaaliya ee Koonfuur Afrika oo ka qeybgalay xuska sanadlaha ee xisbiga talada haya

Safiirka Soomaaliya ee Koonfuur Afrika oo ka qeybgalay xuska sanadlaha ee xisbiga talada haya

January 10, 2026
0

Danjiraha Dowlada Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa magaalada Rustenburg ee gobalka Northwest ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In