Friday, July 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari Oo Xiray Kalfadhiga 7aad Ee Baarlamaanka Islamarkaana Guddoomay Billad Sharaf “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Jawaari Oo Xiray Kalfadhiga 7aad Ee Baarlamaanka Islamarkaana Guddoomay Billad Sharaf “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa si rasmi ah u xiray maanta Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isaga oo dhinaca kalena guddoomay billad sharaf ay guddoon siisay akadeemiyad caalami ah oo fadhigeedu yahay dalka Talyaaniga.

Bilowga kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa lagu hor qabtay Xildhibaannada munaasabad Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayadoo biladaasina ay guddoomiyaha u soo garteen akadeemiyada caalamiga ah ee “Giuseppe Pitre” ee fadhigeedu yahay dalka Talyaaniga.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka oo munaasabadda ugu horeyn ka hadashay ayaa tilmaantay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ay guul u tahay billad sharafta ah akadeemiyadan caalamiga ah u soo garatay Guddoomiyaha Baarlamaanka islamarkaana uu ku muteystay howlkarnimadiisa.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana ah musharaxa biladda Nobel Peace Price oo ay akadeemiyadda Giuseppe Pitre usoo wakiilatay guddoonsiinta biladdan ayaa tilmaamay in akadeemiyaddan ay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya u garatay bilad sharafta kadib markii uu muujiyey howlkarnimo uu wax ugu qabtay dadkiisa iyo dalkiisa.

Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo ugu dambeyn munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahad celiyey akadeemiyadda Giuseppe Pitre ee dalka Talyaaniga garashada ay u soo garteen billad sharaftan islamarkaana uu ku guddoomayo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay marqaati u tahay howlqabadka ay muujiyeen.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa si rasmi ah waxa uu u soo xeray maanta Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka khudbad uu ka jeediyey munaasabdda ayuu ugu baaqay Xukuumadda in 15ka April ay Golaha Shacabka ku hor keento barnaamijkeeda oo faah faahsan.

Guddoomiye Jawaari Billad Giuseppe Pitre (1) Guddoomiye Jawaari Billad Giuseppe Pitre (1) Guddoomiye Jawaari Billad Giuseppe Pitre (2) Guddoomiye Jawaari Billad Giuseppe Pitre (4) Guddoomiye Jawaari Billad Giuseppe Pitre (5) Guddoomiye Jawaari Billad Giuseppe Pitre (6) Guddoomiye Jawaari Billad Giuseppe Pitre (7) Guddoomiye Jawaari Billad Giuseppe Pitre (8) Guddoomiye Jawaari Billad Giuseppe Pitre (9) Guddoomiye Jawaari Billad Giuseppe Pitre (10) Guddoomiye Jawaari Billad Giuseppe Pitre (11)

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Previous Post

Daawo Sawirrada: Markab siday geel laga dhoofiyay Soomaaliya oo gaaray dalka Masar

Next Post

Xoghayaha guud ee Q. M. oo booqday qaxooti ku jira xero ku taala waqooyiga Aljeeriya

Next Post
Xoghayaha guud ee Q. M. oo booqday qaxooti ku jira xero ku taala waqooyiga Aljeeriya

Xoghayaha guud ee Q. M. oo booqday qaxooti ku jira xero ku taala waqooyiga Aljeeriya

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In