Saturday, June 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Allaha u Naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Walde ayaa Maanta Lagu Aasay Nairobi”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 6, 2016
in Wararka
0
Allaha u Naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Walde ayaa Maanta Lagu Aasay Nairobi”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee waxaa maanta qabuuraha Langaanta ee Magaalada Nairobi lagu aasay Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde oo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalo Magaalada Nairobi.

Aaska marxuum Walde oo ahaa ruug-cadaa saxaafadeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirro,xildhibaano,Mas’uuliyiinta safaarada Soomaaliya ee dalkani Kenya,Siyaasiyiin,waxgarad,Culumaa’udiin iyo dadweyne aad u fara badan.

Related posts

Haya’adda isgaarsiinta Qaranka oo ka qayb gashay shirka dalalka ku midoobay( EAC)

Haya’adda isgaarsiinta Qaranka oo ka qayb gashay shirka dalalka ku midoobay( EAC)

June 14, 2025
Ra’iisul wasaare Xamse: ” Xukuummadda Dan-Qaran waxa ay mudnaan gaar ah siineysaa tayeynta waxbarashada dalka”

Ra’iisul wasaare Xamse: ” Xukuummadda Dan-Qaran waxa ay mudnaan gaar ah siineysaa tayeynta waxbarashada dalka”

June 14, 2025

Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille oo ay aadisku garanayen allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde ayaa ka sheekeeyay intii uu ka garanayay taariikhda marxuumka.

Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille ayaa sheegay in marxuumka uu ka shaqeeyay wasaarada Warfaafinta,islamarkaana uu noqday agaasimaha idaacadaha Soomaaliyeed,maadaama ay xiligaasi jireen oo kaliya Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa.

“Waxa uu ahaa dadkii ay ka timid figrada shirkii Imbakasi ee lagu dhisay dowlada hada dalka ka jirta,isagoo sidoo kalna hormuud ka ahaa dhisidda maamulka Puntland”Ayuu sii raaciiyay Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille.

Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille ayaa intaasi ku daray in allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde uu noqday marxuumka kaliya si wada jir ah looga tacsiyeeyo meel kasta oo ay joogto ummada Soomaaliyeed.

Ka dib Aaska Marxuumka ayaa waxaa geeridiisa ummada Soomaaliyeed iyo eheladiisaba uga tacsiyeeyay Xildhibaanada ay ka midka Yihiin Pro Maxamed Cabdi Gaandi iyo xildhibaan Abshir Xasan Abshir,danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo Siyaasiyiin uu ka mid ahaa C/raxmaan Baadiyow.

Wasiirka Cadaalada ee xukuumada Soomaaliya C/laahi Jaamac Ilka-jiir oo ka soo qeyb galay aaska marxuumka ayaa ummada Soomaaliyeed iyo eheladiisa uga tacsiyeyay geerida marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde.

IMG_4865 IMG_4866 IMG_4870 IMG_4892 IMG_4904 IMG_4915 IMG_4921 IMG_4922 IMG_4923 IMG_4924 IMG_4933 IMG_4935 IMG_4936 IMG_4941 IMG_4944 IMG_4951 IMG_4952 IMG_4959 IMG_4960 IMG_4961 IMG_4962 IMG_4965 IMG_4966

Sawir qaade:- Hassan Omar Baffo

Previous Post

Xarun caafimaad oo markii u horeeysay laga hirgaliyay Deegaanka Bitaale ee Gobalka Mudug “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hoggaamiyaha Suudaan uga tacsiyeeyay geerida Dr. Al Turaabi

Next Post
Madaxweynaha: “ Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan, xogtana ula wadaagaan laamaha amniga’’

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hoggaamiyaha Suudaan uga tacsiyeeyay geerida Dr. Al Turaabi

Haya’adda isgaarsiinta Qaranka oo ka qayb gashay shirka dalalka ku midoobay( EAC)

Haya’adda isgaarsiinta Qaranka oo ka qayb gashay shirka dalalka ku midoobay( EAC)

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ka qeyb gashay Shirweynaha 30-aad ee Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC). oo...

Ra’iisul wasaare Xamse: ” Xukuummadda Dan-Qaran waxa ay mudnaan gaar ah siineysaa tayeynta waxbarashada dalka”

Ra’iisul wasaare Xamse: ” Xukuummadda Dan-Qaran waxa ay mudnaan gaar ah siineysaa tayeynta waxbarashada dalka”

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare...

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda JFS oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee dusiga sare

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda JFS oo si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee dusiga sare

June 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Raii’sul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

June 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista Shidaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In