Tuesday, August 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo dhagax dhigay dugsi lagu barto farsamada gacanta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 6, 2016
in Wararka
0
Shir lagu soo xulayo xildhibaanada maamulka Jubba oo Kismaayo ka furmaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirada Waxbarashada iyo Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Kismaayo, ayaa ka qeyb galay xaflad lagu dhagax dhigay Dugsi lagu barto farsamada gacanta oo laga hirgelinayo magaalada Kismaayo.

Wafdiga oo ka koobnaa Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale, ayaa waxaa socdaalkooda ku wehlinayay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxaana ay dhagax dhigeen iskuul cusub oo ay dhisayso midowga Yurub.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka ah Khadar Bashiir Cali iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Michelle Cervone d’Urso ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay iskuul lagu baran doono farsamada gacanta.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Kismaayo ayaa Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Michelle Cervone d’Urso uu sheegay inay diyaar u yihiin dhismaha xarumaha danta guud, isagoo tilmaamay in xarunta cusub ay faa’iido badan u leedahay bulshada ku nool gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in waxbarashadu ay door muhiim ah ka qaadan karto wacyigelinta dhalinta ay qaldayaan maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana uu maamulkiisu door muuqdo ka qaadan doono horumarinta waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Khadar Bashiir Cali ayaa safiirka uga mahadcelisay doorka midowga Yurub uu ka qaadanayo horumarinta waxbarashada, iyadoo intaa ku dartay iskuulkan uu noqon doono mid ahmiyad gaar ah u leh dhallinyarada ku nool magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa sheegay in mashruucan dhismaha ah uu door weyn ka qaadan karo sidii dhallinyarada ay u heli lahaayeen xirfado ay ku shaqeystaan, maadaama iskuulka uu yahay farsamada gacanta.

 

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Degmada Warta Nabadda iska diiwaangeliyay

August 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee Degmada Warta-Nabadda ayaa ku...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xariga ka jaray dhismaha Cusub ee Taliska Gorgor.

August 12, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray...

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

August 12, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo maanta qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

August 12, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray afar waddo oo laami...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In