Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Yuusuf Dabageed “Qarixii shalay waxaa soo maleegay kooxihii dhagar qabayaasha ahaa, ciidamada ayaana fashiliyay”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Yuusuf Dabageed “Qarixii shalay waxaa soo maleegay kooxihii dhagar qabayaasha ahaa, ciidamada ayaana fashiliyay”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed” oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in qarax shalay ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaradaha ee beledweyne ay fashiliyeen Ciidamada Amniga, isagoo sheegay in qaraxaasi uusan geysan dhibaato aad u weyn, marka laga reebo dhaawacyo kooban.

“Qaraxaas waxaa soo maleegay kooxihii dhagar qabayaasha ahaa Alle ayaa fashiliyay, ciidamada amnigana waa ka hortageen, shan qof ayaa ku dhaawacantay wax kale oo dhibaato ah ma jiro”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Illaa shan qof oo uu ka mid yahay ninkii Computer qarxay soo saaray baabuurka shirkadda diyaaradaha rakaabka ku qaadeysay ayaa la qabtay, waxaana wali socda baaritaan”ayuu mar kale yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar.

Dabageed ayaa tilmaamay falkaasi uusan saameyn  ku yeelan doonin duulimaadka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyo howlihiisa, isagoo carrabka ku adkeeyay in la xoojin doona ammaanka garoonka.

Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xilli la baarayay boorsooyin iyo alaabo ay wateen dadkii ka dhoofayay garoonka diyaaradaha Beledweyn, waxaana la rumeysan yahay in qaraxa Laptop ku jiray lala rabay in lala raaco diyaarad ku sugneyd garoonka oo rakaabka u qaadi laheyd Muqdisho.

 

Previous Post

Kuuriyada waqooyi oo ka digtay dhoolatuska ciidan ee Mareykanka iyo K/kuuriya

Next Post

Xuska maalinta haweenka adduunka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka

Next Post
Xuska maalinta haweenka adduunka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka

Xuska maalinta haweenka adduunka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In