Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Yuusuf Dabageed “Qarixii shalay waxaa soo maleegay kooxihii dhagar qabayaasha ahaa, ciidamada ayaana fashiliyay”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Yuusuf Dabageed “Qarixii shalay waxaa soo maleegay kooxihii dhagar qabayaasha ahaa, ciidamada ayaana fashiliyay”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed” oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in qarax shalay ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaradaha ee beledweyne ay fashiliyeen Ciidamada Amniga, isagoo sheegay in qaraxaasi uusan geysan dhibaato aad u weyn, marka laga reebo dhaawacyo kooban.

“Qaraxaas waxaa soo maleegay kooxihii dhagar qabayaasha ahaa Alle ayaa fashiliyay, ciidamada amnigana waa ka hortageen, shan qof ayaa ku dhaawacantay wax kale oo dhibaato ah ma jiro”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Illaa shan qof oo uu ka mid yahay ninkii Computer qarxay soo saaray baabuurka shirkadda diyaaradaha rakaabka ku qaadeysay ayaa la qabtay, waxaana wali socda baaritaan”ayuu mar kale yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar.

Dabageed ayaa tilmaamay falkaasi uusan saameyn  ku yeelan doonin duulimaadka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyo howlihiisa, isagoo carrabka ku adkeeyay in la xoojin doona ammaanka garoonka.

Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xilli la baarayay boorsooyin iyo alaabo ay wateen dadkii ka dhoofayay garoonka diyaaradaha Beledweyn, waxaana la rumeysan yahay in qaraxa Laptop ku jiray lala rabay in lala raaco diyaarad ku sugneyd garoonka oo rakaabka u qaadi laheyd Muqdisho.

Previous Post

Kuuriyada waqooyi oo ka digtay dhoolatuska ciidan ee Mareykanka iyo K/kuuriya

Next Post

Xuska maalinta haweenka adduunka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka

Next Post
Xuska maalinta haweenka adduunka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka

Xuska maalinta haweenka adduunka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In