Munaasabadabni oo lagu maamusyaayay maalinta caalamiga ah ee haweenka aduunka ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
munaasabadani ay soo qaban qaabisay urur ay leeyihiin haween Soomaaliyeed oo magaciisu yahay Isuroon ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin’aqoonyahano haweenka iyo madax ka socota dalka Mareykana
Qaar kamid ah haweenkii soo qaban qaabiyay munaasabada ayaa ka hadlay ujeedka ayagoo haweenka Soomaaliyeed ku dhiiro geliyay xoojinta kaalinta ay leeyihiin horumarka bulshada
Dadkaa ka qeyb galay munaasabada ayaa waxay ka haldeen kaalinta haweenka ay ku leeyihiin horumarka bulshada sida Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota wuxuuna balan qaaday in goor dhaw ay xafiiskiisa ka shaqeyn doonto Gabar Soomaali ah.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yerey oo munaasabada hadal ka jeedisay ayaa ugu hambalyeysay haweenka caalamka gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed 8da Marso ayadoo ku boorisay in ay sare u qaadaan ka qeyb qaadashada horumarkla buslahada.
Intii ay munaasabdani socotay ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka Haweenka Soomaaliyeed iyo hormarka ay samaynayaan sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay caqabadaha ay la kumaan dumarka Soomaaliyeed.