Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa howlgallo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ku soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya iyo dadkii ku howlanaa sameynta waxyaabahaasi oo ay ka midyihiin xashiishad iyo 50 fuusto oo lagu karinayay qamriga macmalka ah ee loo yaqaan calaq.
Guddoomiyaha Degmada Hodan Axmed Salaad Ibraahim ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen ka hortagga in la faafiyo waxyaabaha maanka dooriya
“Shacabka, hay’adaha Amniga iyo maamulka degmada Hodan iyagoo iskaashanaya waxa ay ku guulesteen inay fashiliyeen shabakad ka shaqeynaysay sameynta maandoooriyayaasha, shacabku waa ay dhibsadeen waxaana ay u soo gudbiyeen hay’adaha Amniga kadibna waa ay ku dhaqaaqeen ciidamada, iyagoo gacanta ku soo dhigay maandooriyaal badan iyo dadkii ka shaqeynayay, waxaana uu ahaa howlgal guuleestay” ayuu yiri Guddoomiyaha.
“Ilaa saddex qof ayaa loo soo qabtay howlgalka, baariis ayaa ku socoto waxaan rabaa inaan u mahadceliyo intii gacan ka geysatay howlagalka lagu soo qabtay dadkii ku howlanaa sameynta waxyaabaha maanka dooriya”ayuu hadalkiisa ku daray Axmed Salaad Guddoomiyaha degmada Hodan.
Xildhibaan Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayow ayaa bogaadiyay howlgalkan, isagoo bulshada ka dalbaday inay kordhiyaan la shaqeynta hay’adda Aminga.
“55 Fuusto oo maandooriyayaal ah in la qabto ma aha waxyar, xitaa waxa ay qatar ku ahaayeen dhamaan magaalada inay dhibaata u geestaan marka cidii ka soo shaqeysay maamul, shacab iyo Hay’adaha Amniga waan u mahadcelinayaa Shacabka waxaan ugu baaqayaa inay kordhinayaan la shaqeynta hay’addaha Amniga, maamulka dagmada waxaan uga mahadcelinayaa Wacyigelinta Bulshada” ayuu yiri Xildhibaan Malaaq Ibraahim.