Xeer ilaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in sharciga la horkeeni doono ciddii lagu helo ka ganacsiga maandooriyaha, isagoo ka digay dadka arrimahaasi ku lugta leh.
Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyha Guud ee Qaranka oo ka hadlay goob lagu soo bandhigay Maandooriye lagu qabtay qeybo ka mid ah degmada Hodan ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka shaqeyaan midnimadood oo ay xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha amniga, waxaana uu intaa ku daray in ciddii lagu helo ka ganacsiga maandooriyaha maxkamad lala tiigsan doono.
Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa hoosta ka xariiqay inay socoto baaritaanno lagu ogaanayo dadkii lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya, isagoo intaa ku daray in marka ay soo baxdo natiijada baaritaanka ay la wadaagi doonaan bahda saxaafadda.