Madaxweyne ku-xigeenka Dawlad goboleedka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa ka qayb galay munaasabad lagu taageerayey Madaxweynaha Dawladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo xilka Madaxtinimada dalkaasi u tartami doona markii afraad.
Munaasabadda oo lagu qabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Maamulka Puntland iyo dadweyne kale.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku tilmaamay Madaxweynaha Dawladda Jabuuti shaqsi taariikhda Afrika meel wanaagsan kaga jira, marka loo eego horumarada baaxadda leh ee uu ka fuliyey waddankiisa iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee uu ka hirgeliyey Jabuuti, isla markaana uu mudan yahay in lagu dhiiri geliyo markalena dib loogu doorto xilka Madaxtinimo ee dalkaasi.
Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in Dowlad goboleedka Puntland ay garab taagan tahay Dawladda Jabuuti iyo madaxweyneheedaba uuna ilaahay uga baryayo in uu markale ku guuleyo xilkaasi Madaxtinimo.