Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay horumarinta kalluumeysata oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Kalluumeysiga oo tababar u qabatay kalluumeysatada gobolka Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo looga hadlayay horumarinta kalluumeysatada Soomaaliyeed iyo sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhallinyarada ayuu Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda oo uu wehliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaasi waxa ay la yeesheen mas’uuliyiin ka socotay hay’adda USAID ee gar gaarka u qaabilsan dalka Mareykanka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii Wasaaradda Kalluumeysiga gacan looga siin lahaa horumarinta qalabka lagu kalluumeysto, taasi oo kalluumeysatada u fududeyn doonto inay ka faa’iideystaan kheyraadka ku jira badeena.

Related posts

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

August 30, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026

Mudane Maxamed Cumar Ceymooy Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo markii uu kulanka soo idlaaday kadib lahaday Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in wafdiga ka socday hay’adda USAID ay isla meel dhigeen sidii ay maalgeshi ugu sameysan lahaayeen dhinac kheyraadka dalka, taasi oo dhiiri gelin iyo shaqo abuur u ah kalluumeysata dalka.

“iyagoo ujeedkooda uu yahay iney nagala hadlaan arrimaha kalluumeysiga waxa ay nagu dhaheen waxaa idiin ka caawimeynaa horumarinta khallumeysiga, waan soo dhaweyneynaa maadam ay lee yihiim waxaan wax idiin ka tageerenaa arrimaha khallumeysiga, waana markii ugu horeysay ee aan la kulanno mas’uuliyiin daneynaya horumarinta kalluumeysiga dalka” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ka socotay hay’adda USAID ay u balan qaadeen inay maalgeshi ku sameysan doonaan dalka, isla markaana ay u yimaadeen sidii ay u qiimeyn lahaayeen meelaha ku haboon maalgeshiga…

Dhawaan ayay ahayd markii baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya uu meel mariyay sharciga maalgeshiga dalka, taasi oo suurta gelisay in ay isa soo taraan dalalka daneynaya inay maalgeshi ku sameystaan Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Xaflad lagu taageerayay Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo lagu qabtay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Dadka ku nool deegaanka Xawaadley oo ka cabanaya biyo la’aan

Next Post
Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dad ay biyo la’aan haysato

Dadka ku nool deegaanka Xawaadley oo ka cabanaya biyo la’aan

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoonka Golaha Haweenka...

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In