Thursday, September 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Talyaaniga oo 286 milyan oo Euro ku maalgelin doonta Soomaaliya

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Talyaaniga oo 286 milyan oo Euro ku maalgelin doonta Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisulwasaariyaasha Soomaaliya,Talyaaniga iyo wasiiro ka kala tirsan labada dowladood kaas oo lagu qabay magaalada Rome ee dalka Italy, waxaana shirka loo qaban qaabisay dowladda Talyaaniga.

Shirka oo ahaa mid hal maalin ah socday ayaa waxaa furey wasiirada arimaha dibadda dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo ay ka qeybgaleen 300 oo mas’uul oo ka kala socda labada dal isla markaana shirka uu ahaa mid looga hadlayay sidii dowladda Talyaaniga ugu qeyb qaadan la heyd dib u dhiska Soomaaliya.

Related posts

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026

Wariye C/qaadir Maxamed, oo kamid ahaa dadkii ka qeybgalay shirkaas ayaa sheegay in madaxda labada dhinac ay is dhaafsadeen arimaha quseeya xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Wasiiradii shirkan Soomaaliya ugu qeybgalay ayaa waxaa kamid ahaa wasiirka arimaha dibadda iyo dheerigelinta maalgashiga mudane C/salaan Hadliye Cumar, wasiirka tamarta iyo biyaha mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha dalka Talyaaniga Matteo Renzi, oo shirka gabagebadiisa ka hadlay ayaa balan qaaday in xukuumadiisu ay Soomaaliya ku bixin doonto lacag dhan 286 oo Euro oo lagu maalgelin doono wadanka.

Mr Renzi, ayaa sheegay in lacagtaas lagu maalgelin doono dhismaha wadooyinka, horumarinta beeraha, ganacsiga iyo guud ahaan dib u soo celinta kaabiyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali, ayaa dhankiisa dowladda Talyaaniga ugu mahadceliyay taageerada ay siiso dalka Soomaaliya.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Kenya oo sheegtay in ay dishay 19 ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab

Next Post
15-qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen weererkii Jamaacadda Garissa

Kenya oo sheegtay in ay dishay 19 ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehellada, bahda aqoonta iyo dhammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In