Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dagaalka Al-Shabaab ay ka wadaan Puntland dowlad ahaan nooga ma duwana kuwa ay ka wadaan gobollada kale ee dalka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Soomaaliya: “Ma jiri doonto wax muddo kordhin ah” (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sheegay in dagaallada maleeshiyada Al-Shabaab ay ka wadaan deegaanno ka tirsan dowlad goboleedka Puntland aysan ka duwaneen kuwa ay ka wadaan gobollada kale ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay shir ku saabsan hanaanka loo marayo dhismaha dowladaha Hoose ayaa sheegay in maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab aysan lahayn qabiil gaar ah ama cid ay ka soo jeedaan, waxaana uu bulshada ugu baaqay inay hal meel ka soo wada jeestaan la dagaallanka Al-Shabaab.

Related posts

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

February 26, 2026
Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026

“Dagaalka Nabad diidka Shabaab ay ka wadaan Puntland dowlad ahaan nooga ma duwana kuwa ay ka wadaan gobollada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo kuwa kale, dowladdu waxkasta oo ay kari karto way kaga qeyb qaadaneysaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab” ayuu yiri Madaxweynaha oo hadalkiisa ku daray “Shacabka reer Puntland sida ay ugu midoobeen la dagaallanka Al-Shabaab waan idinku bogaadinayaa, markasta dowlad ahaan iyo shacabka Soomaaliyeed way idin garab taaganyihiin waana la guuleysan doonaa dagaalka lagula jiro nabad diidka Al-Shabaab”.

Madaxweynaha oo ka hadlayay abaaraha ka jirta qaar ka mid ah gobollada dalka ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo inta wax heysata inay ka qeyb qaataan gurmad u fidinta dadka ay abaaraha saameysay.

Previous Post

Xildhibaanno kormeer howleed ku tegay Sool iyo Sanaag “Dhageyso”

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post
Barnaamijka Faaqidaada Wararka (Dhageyso)

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

February 26, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka, kaas oo ay ka qeybgalayaan arday...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026
0

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf Barre, ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay si gaar ah sanadkan...

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka, Kaaliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In