Tuesday, June 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday in loo gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dad ay biyo la’aan haysato
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ay hy’adda culimada Soomaaliyeed ay ku yeesheen Muqdisho ayaa waxa ay uga hadleen  abaaraha ku dhuftay  gobollada dalka Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeesheen  nolosha dadka  iyo duunyada, iyagoo  ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed,  Dowladda Federaalka Soomaaliya  iyo hay’adaha samafalka in ay  ka qeyb qaataan gurmadka loo sameynaya abaaraha  ka jira  dalka  Soomaaliya.

kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay culimada Soomaaliyeed, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale ee lagu casuumay kulankaasi, waxaana intii uu socday  kulanka  diiradda lagu saaray sida ugu haboon ee looga  qeyb qaadan karo gurmadla loo sameynaya dadka iyo duunyada ku nool gobollada ay ku dhufatay abaaraha.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda culimada Soomaaliyeed  Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo isna ka hadlay ayaa  ku booriyay Umadaha muslimiinta iyo hay’adaha gargaarka inay  soo caawiyaan  dadka walaalahooda ah ee ay saameysay abaarta ka jirta gobollada dalka

Gudoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlay kulanka ayaa  ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, ganacsatada  iyo dowladda Soomaaliya inay  ka qeyb qaatan gurmadka loo sameynayo dadka iyo duunyada  ay saameeyeen abaaraha ka jira  dalka.

“Deegaanada  Ummadda Soomaaliyeed waxaa ka jira abaaro baahsan haba u darnaato Somaliland, waxeyna ku soo aadeen abaarahaasi waqti ay jirto xaalad siyaasadeed iyo xaalad amni oo aan deganeyn, sidaa darteed hay’adda  culimada Soomaaliyeed waxey soo jeedineysaa baaqan soo socda in ilaahey loo towbad keeno, Subxanahu Watacaalaa Leysuna celsho xuquuqda aadanuhu kala haystaan, istiqfaartuna la badiyo, waayo musiibooyinka waxaa keena dunuubta iyo macaasida, mida labaad waxaan ugu baaqeynaa dowladda dhexe iyo dhamaan maamul goboleedyada dalka in ay  laba jibaaraan wax ka qabashada abaaraha iyo taakuleynta daka baahan” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

2011kii ayey aheyd markii abaaro nuucaani oo kale ay ku dhufatay qaar ka mid ah gobolada dalka, taasoo waxyeleysay dadka iyo duunyada.

 

Previous Post

Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii ka dhacay Brussels

Next Post

Madaxweynaha oo cambaareeyay weeraradii argagixiso ee ka dhacay magaalada Brussels

Next Post
Madaxweynaha oo cambaareeyay weeraradii argagixiso ee ka dhacay magaalada Brussels

Madaxweynaha oo cambaareeyay weeraradii argagixiso ee ka dhacay magaalada Brussels

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In