Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Raisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta gaaray Garoowe+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Raisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta gaaray Garoowe+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa Maanta 25-March-2016 waxay kusoo dhoweeyeen Garoonka Kanooko ee duleedka Garoowe Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey.

Soodhoweynta Ra’iisul-wasaaraha ayaa waxaa ka qayb qaatay Wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan, waxaana intaasi kadib loosoo gudbiyey waftiga Qasriga Madaxtooyada maamulka Puntland ee Garoowe halkaas oo ay Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul-wasaaruhu si wada jir ah ugula hadleen warfidiyeenada.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Ra’iisul-wasaaruhu ku qotonto sidii maamulka Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya ay uga wada hadli lahaayeen geeddi-socodka Nabadda Soomaaliya iyo marxaladda kala guurka ah ee uu ku jiro dalka Soomaaliya.

“waxay noogu yimaadeen inaanu kawada hadalno maraxadda kala guurka ah ee Soomaaliya iyo geeddi-socodka nabadda Soomaaliya sidii loosii ambaqaadi lahaa oo ay Puntland iyo Dawladda Federaalku uga wadashaqayn lahaayeen in Soomaaliya uu ka dhoco isbedel u hiilinaya Mustaqbalka Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Puntland Gaas.

Sidoo kale Madaxweyne maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Punland  ayaa sheegay in ay ra’iisul-wasaaraha kawada hadli doonaan arrimaha Amniga dalka oo ay qayb katahy guulihii ciidamada Puntland ay kasoo hooyeen duullaankii sharwadayaasha alshabaab ay kusoo qaadeen Puntland sidoo kale Arrimaha dhaqaalaha dalka ayuu sheegay Madaxweynaha Puntland in ay kawada hadli doonaan.

Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa bogaadiyey guulihiii taariikhiga ahaa ee shacabka iyo  ciidamada difaaca Puntland iyagoo is garabsanaya  ay kasoo hooyeen kooxihii sharwadayaasha ahaa ee Puntland kusoo duuley, waxaana uu intaasi  sii raaciyey in ay gacan kageysanayaan wax kaqabashada ciidamadii halgamayaasha ahaa ee Puntland ee dhaawacyadu kasoo gaadheen dagaalkii ay sharwadayaasha alshabaab kaga sifaynayeen Puntland.

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay Puntland kawada hadli doonaan masiirka ummadda Soomaliyeed iyo sidii looga bixi lahaa xilliga kala guurka ah ee uu kujiro dalka Soomaaliya, waddankana loogu jihayn lahaa meel wanaagsan.

IMG_3490 IMG_3494 IMG_3496 IMG_3497 IMG_3498 IMG_3499 IMG_3500 IMG_3503 IMG_3505 IMG_3506 IMG_3510 IMG_3511 IMG_3517 IMG_3521 IMG_3524 IMG_3529 IMG_3537

Previous Post

Madaxweynaha: ‘Ajandaha dowladda ay ka leedahay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waa dhismaha maamul ay yeeshaan labada gobol” “Sawirro”

Next Post

Barnaamijka Kulanka todobaadka ee warbaahinta Dowladda oo todobaadkan looga hadlay abaaraha dalka ka jira”Dhageysi iyo Sawirro

Next Post
Barnaamijka Kulanka todobaadka ee warbaahinta Dowladda oo todobaadkan looga hadlay abaaraha dalka ka jira”Dhageysi iyo Sawirro

Barnaamijka Kulanka todobaadka ee warbaahinta Dowladda oo todobaadkan looga hadlay abaaraha dalka ka jira"Dhageysi iyo Sawirro

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In