|
Muqdisho, 25 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan marnaba ka daali doonin inay ka mira dhaliyaan dhismaha maamul goboleed ay yeeshaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Madaxweynaha ayaa hadalkan maanta ka jeediyay magaalada Beled Weyne oo isaga iyo wafdi uu horkacayo ay gaareen. “Waa muhiim in maamul ay yeeshaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo la eegayo danta guud iyo shacabku si ay helaan adeegyada muhiimka ah ee au u baahan yihiin sida amniga , kala dambeynta , waxbarashada , caafimaadka iyo qeybaha kala duwan ee horumarka’’. Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in reer Hiiraan iyo reer Shabeellaha Dhexe ay yihiin dad bisil oo looga fadhiyo inay la jaanqaadaan nidaamka federaalka ee dalka ka jira. Waxaa uu Madaxweynaha intaa raaciyay in meel fiican ay marayaan dadaalada la isugu soo dhoweynayo dhammaan beelaha wada dega labada gobol ee ku aaddan dhismaha cusub Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. “Ajendaha keliya ee dowladda ka leedahay Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waa in maamul ay yeeshaan labada gobol. Waad la socotaan in maamullada Puntland iyo Galmudug ay dagaal kula jiraan cadowga nabada diiddan ee Al Shabaab. Guulo ayayna ka soo hoyeen. Waxaa hubaal ah in haddii degaannadaas aanay maamul yeelan lahayn ay ku adkaan lahayd inay Al Shabaab iska difaacaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha. Kulankii ugu horreeyay ayaa Madaxweynaha waxaa uu warbixin kaga dhegeystey Wasiirka Arrimaha GudBatraha iyo Federaalka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid Wasiirka Amniga Qaranka, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Maxamed Cabdullaahi Xasan , xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale. |
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...















