Sunday, May 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada Difaaca dalalka Saxaraha ka hooseeya oo shir ugu soo gabo gaboobay Masar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka difaaca oo booqday degmada Garbahaarreey ee gobolka Gedo-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Wasiirada Difaaca ee dalalka la isku yiraahdo Saaxil iyo Saxaraha oo ay ka qeybgaleen in kabadan 20 dal ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Qaahir ee Xarunta Dalka Masar.

Shirka oo socday muddo afar maalin ah ayaa Waxaa Soomaaliya ku matalayay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C.qaadir Sh Cali Diini iyo wafidu uu hoggaaminayay.

Related posts

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C.qaadir Sheekh Cali Diini oo u warramay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA ayaa sheegay in shirka looga dooday dhibaatada xagjirnimada ee caalamka ku sii faafeysa iyo sidii dalalka Siin Saad la isku dhaho ay isaga kaashan lahaayeen dagaal wada jir ah oo looga hortago.

“Arrinta ugu muhiimsan ee la isla gartay waxa ay taahay in si wadajir ah la isaga kaashado ka hortagga iyo la dagaallanka kooxaha Xagjirka iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan adduunka iyo Qaaradda Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay, lana sameeyo barnaamishyo wacyi galin iyo shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada”Ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kulanka looga dooday in la dhiso ciidamo gaar ah oo jawaab ka bixiya qatarta ka imaan karta kooxaha argagixisada, dhawaana la soo saarayo qodobada la isku raacay intii shirku socday.

Kulanka Wasiirada Difaaca wadamada Saaxlil iyo Saxaraha la isku dhaho ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dowlado badan oo xibin ka ah ururkan ay dagaal kula jiraan kooxaha argagixisada ee beegsanaya goobaha ay ku kulmaan dadka shacabka ah.

Previous Post

Madaxweynaha: ‘‘Waxaan ku bogaadinayaa ciidammada maamulka Galmudug dagaalka ay kula jiraan argagixisada Al Shabaab’’

Next Post

Maxkamadda sare ee ciidanka Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Xasan Xanafi

Next Post
Maxkamadda sare ee ciidanka Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Xasan Xanafi

Maxkamadda sare ee ciidanka Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Xasan Xanafi

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In