Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibad bax looga soo horjeeday kooxda monitoring group oo ka dhacay daljirka Dahsoon

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dibad bax balaaran oo looga soo horjeeday warbixinada ay ku weeraraan Madaxda iyo Ganacsada Dalka Guddiga la socodka Cunuqabateyn hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea, isla markaana lagu taageerayay qorsheyaasha horumarineed ee ay ku talaabsatay dowladda ayaa maanta ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, waxaana ka qeyb qaadanayay dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid 17-ka degmo ee gobolka.

Dadka isu soo baxa ka qeyb galay oo u badnaa haween iyo waxgarad ayaa sitay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan warbixinnada been abuurka ah ee ay soo saaraan Monitoring group, waxaana halku dhigyadaas ka mid ahaa “jooji dib u celinta Ummadda Soomaaliyeed” iyo suugaan ka turjumeyso in shacabka ay garabtaaganyihiin dowladooda.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026

Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galayay dibad baxa oo dareenkooda cabiraya ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan warbixinada ay soo diyaariyaan guddiga dabagalka cunuqabateynta hubka ee saran Soomaaliya iyo Eritrea.

Qaar ka mid ah waxgaradkii ka qeyb galay isu soo baxa oo halkaasi ka hadlay ayaa isku raacay in warbixinada ka soo baxa guddigaas ay u arkaan kuwo loogu gafo sida ay sheegeen madaxda dalka iyo dadka magaca ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed.

Dhawaan ayay markii hogaanka dhaqanka oo Muqdisho shirk u yeeshay ay isku raaceen  in la sameeyo Guddi ka hortaga wararka been abuurka ah ee ay inta badan guddiga dabagalka cunuqabateynta hubka saaran Soomaaliya iyo Eritrea soo saaraan, waxaana dibad baxa maanta ururrada bulshada rayidka ay isugu yimaadeen uu ka turjumaya sida shacabku ugu qanacsanyahay horumarka ay dowladda ku tallaabsatay.

 

Previous Post

Kulan looga hadlayay sidii looga hor tagi laha falalka jinsi naceybka oo lagu qabtay dalka Mareykanka “SAWIRRO”

Next Post

Cayaaraha xagaaga oo ka furmay magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka “SAWIRRO”

Next Post
Cayaaraha xagaaga oo ka furmay magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka “SAWIRRO”

Cayaaraha xagaaga oo ka furmay magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In