Monday, June 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo codsaday in laga shaqeeyo dadka guud

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Yuusuf Daba-geed: waxaan ku balanay Odayaasha labada dhinac in la kala qaado Maleeshiyaadkii Dagaalamay”Dhagayso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xilli maalintii shalay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay odayaasha dhaqanka ee gobolkaas ay kaga dhawaaqeen in ay ka qeybgali doonaan shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe kadib markii laga qanciyay cabasho ay ka qabeen ka qeyb galka shirkaasi ayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) waxaa uu ugu baaqay dadka wali ka maqan shirkaasi in ay ka tagaan isla markaana ay ka shaqeeyaan danta guud ee bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaalayso in ay ka shaqeyso sidii loo qancin lahaa dhinacyadda ka maqanaa heshiiskii shalay Beledweyn lagu saxiixay oo sheegayay hirgelinta nidaamka federaalka.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026

Yuusuf Axmed, guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa mahadcelin u jeediyay odayaashii sheegay in ay ka qeybgali doonaan shirka Jowhar ka socoda isla markaana goostay in ay ka qeyb qaataan dhismaha maamulka labada gobol.

“Waxaan codsanay qabiil kasta oo hadda diyaar aheyd ama qof kasta oo mas’uuliyad sheeganaa oo ummadda ka mas’uul ah miisbaa u yaal oo lagu xisaabtamayo ha tagaano,” ayuu sheegay Dabageed.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa wali ku sugan wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka kaas oo ku howlan sidii dhamaan odayaasha gobolka loogu qancin lahaa ka qeybgalka shirka magaalada Jowhar ka socda.

Previous Post

Maamulka gobolka oo ka hadlay dariseynta

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo booqanaya deegaanadii dhowaan lagu dagaalamay

Next Post
Madaxweynaha galmudug: ” Aad ayaan u soo dhaweynayaa shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo SH/Dhexe”

Madaxweynaha Galmudug oo booqanaya deegaanadii dhowaan lagu dagaalamay

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. HOOS KA AKHRISO

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay howlgallada lagula dagaallamayo hubka sharci-darrada...

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adaha Amniga Caasimadda waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo xaafadda Marinaayo, ku wargelinayaan in...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo qorsheysan ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In