Friday, August 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo codsaday in laga shaqeeyo dadka guud

caqiil by caqiil
March 28, 2016
in Wararka
0
Yuusuf Daba-geed: waxaan ku balanay Odayaasha labada dhinac in la kala qaado Maleeshiyaadkii Dagaalamay”Dhagayso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xilli maalintii shalay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay odayaasha dhaqanka ee gobolkaas ay kaga dhawaaqeen in ay ka qeybgali doonaan shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe kadib markii laga qanciyay cabasho ay ka qabeen ka qeyb galka shirkaasi ayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) waxaa uu ugu baaqay dadka wali ka maqan shirkaasi in ay ka tagaan isla markaana ay ka shaqeeyaan danta guud ee bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaalayso in ay ka shaqeyso sidii loo qancin lahaa dhinacyadda ka maqanaa heshiiskii shalay Beledweyn lagu saxiixay oo sheegayay hirgelinta nidaamka federaalka.

Related posts

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Deegaanka Bariire

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Deegaanka Bariire

August 7, 2025
Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

August 7, 2025

Yuusuf Axmed, guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa mahadcelin u jeediyay odayaashii sheegay in ay ka qeybgali doonaan shirka Jowhar ka socoda isla markaana goostay in ay ka qeyb qaataan dhismaha maamulka labada gobol.

“Waxaan codsanay qabiil kasta oo hadda diyaar aheyd ama qof kasta oo mas’uuliyad sheeganaa oo ummadda ka mas’uul ah miisbaa u yaal oo lagu xisaabtamayo ha tagaano,” ayuu sheegay Dabageed.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa wali ku sugan wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka kaas oo ku howlan sidii dhamaan odayaasha gobolka loogu qancin lahaa ka qeybgalka shirka magaalada Jowhar ka socda.

 

Previous Post

Maamulka gobolka oo ka hadlay dariseynta

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo booqanaya deegaanadii dhowaan lagu dagaalamay

Next Post
Madaxweynaha galmudug: ” Aad ayaan u soo dhaweynayaa shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo SH/Dhexe”

Madaxweynaha Galmudug oo booqanaya deegaanadii dhowaan lagu dagaalamay

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Deegaanka Bariire

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay Deegaanka Bariire

August 7, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo caawa howlgal qorsheysan ka wada deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

August 7, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Maamulaha Dekedda Muqdisho iyo...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

August 7, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa daahfuray mashruuca ololaha nadaafadda caasimadda ee dib-u-soo-celinta...

Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

August 7, 2025
0

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdinaasir Cumar Kaatib, ayaa ka qeybgalay kulanka Guddiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In