Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jeneraal Xaamud oo kormeeray xarumaha ciidanka booliska ee Baydhabo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Jeneraal Xaamud oo kormeeray xarumaha ciidanka booliska ee Baydhabo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo maalinti labaad booqasho ku jooga magaalada Baydhabo ayaa maanta kormeeray saldhiga Booliiska ee degmada Baydhabo, isagoo halkaasi kula kulmay saraakiil ka tirsan Booliiska Federaalka iyo kan maamulka Koofur Galbeed.

Taliyaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda ciidanka iyo duruufaha ay ku shaqeeyaanba ka dhageeystay saraakiisha booliiska ee uu kula kulmay saldhiga booliiska degmada Baydhabo.

Related posts

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026

Sidoo kale Jeneraal Xaamud ayaa xarunta qeybta guud ee booliska koofur galbeed kulan gaar ah kula qaatay saraakiil ka tirsan booliska maamulka Koofur galbeed, wuxuuna kala hadlay dar dargelinta howlaha adag oo ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada ay ka howlgalaan.

Taliyaha booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Xaamud ayaa saraakiisha booliiska ku wargeliyay iney u diyaargarooban sanadkan tababarro sare loogu qaadayo aqoontooda la xiriirta xirtfadda booliiska, kuwaasoo uu sheegay in lagu kala qaban doono gudalha dalka iyo dibadda.

Jeneraal Xaamud ayaa ammaanay dadaallada dheeraad ah oo ay muujiyeen saraakiisha iyo ciidamada booliiska ee ka howlgala meelaha uu maanta booqday, wuxuuna kula dardaarmay iney sii kordhiyaan dadaalkooda, isagoo xusay iney heli doonaan qalab dheeraad ah oo u adeegsandoonaan howlahooda.

IMG_2133 IMG_2146 IMG_2153 (1) IMG_2158

Previous Post

Madaxweynaha: “Ciidammada maamulka Galmudug cashar lama ilaabaan ah ayay u dhigeen cadowga”

Next Post

Rag lagu eedeeyay burcad badeednimo oo la soo taagay maxkamad ku taala Faransiiska

Next Post
Rag lagu eedeeyay burcad badeednimo oo la soo taagay maxkamad ku taala Faransiiska

Rag lagu eedeeyay burcad badeednimo oo la soo taagay maxkamad ku taala Faransiiska

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙, oo burcad-badeeddu 17-kii...

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In